HASHAAN HEENSUHU SIDAY
Daraawiishta Saalixiya eey dood aan ku iraahdo. Duullaankii u baxay ayaa geel farabadan soo dhacay. Geelaa oo Xalliye la baxay waxaa la gabagaba dhigay balliga Caadood, waxaa la yiri geela sannad baa halkaa lagu hayey oo raacdo lagu sugayey, jiiftadan hoose ayaa geelaas loo mariyey, wuxuuna Sayidku yiri:
Hashaan heensuhuu siday, himmaaddeeda duullaan Hashaan hilayga ugu raray, hayinka iyo awrkii Hashaan hiirta waaberi, himhimowga ugu kacay Hashaan hillinka Doollood Arag gabayga 26aad. , habaqle ugu jiilaa Hashaan dhowr habeen iyo, maalmo badan u hawlgalay Hashaa aan hagoogtiyo, hullaabtii isaga rogay Hashaan Habarsaciid iyo, humbannadii u weeraray Hashaan ku himbilyoodee, ku hanqaaray dunida Hashay hebelladeedii, dhirta ay huluusheen Hashii hoorrigeygiyo, hinfirkayga lagu nacay Hashaan kii horjoogsaday, huluq siiyey warankii Hashaan beel bannaan tubay, hundihii Warfaa Warfaa Xirsi Khalaf. dhaqay Hashey gaalka Herer jiraa, qaylageyska u hudeen Hashaan hara ku oodee, ninna uusan igu holin Hashii heegadii roob, higilkeeda loo filay Hormo looma jiidee, hashaan heeg isaga waday Hashaan lagu hanqaarmeyn, habarwacadka ololkii Hashaan haaliguu riday, hanqar iyo madaafiic Hashaan huuraweynow, Subeyr Maxamed ka hantiyey Hashaan haaruf dhogorrow, haaruun u quursaday Hashaan Dalal harkoo galay, hargawaaxa kaga diray Hashaan hoorinta Raabbi Raabbi Guuleed Xirsi. leh, heeraaga ka asladay Hashii hanaddadeedi, ku hamsiyey waraabuhu Hashaan haatuf uga diray, Iljeexii Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi. hagaysnaa Hashuu ka hanfariiree, hubin waayey jeerkii Hashuu ka himbiriirsaday, Hiiradkii Hiirad Nuur. qurmoonaa Hashuu hawdka jaree, haaruhu ku gaareen Hashaannu haayaddeed gelin, hooyhooy markaan niri Hashuu huray dharaartii. fulihii hingaarraa Hashuu hoogayey yiri, hohey! maxaa inoo dhaqay Hashuu iiga haajiray, Gurraasihii Gurraase Xaaji Cali, wuxuu isna ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi. habka xumaa Hashaannu horarin dirirteed. harabkii afka caddaa Hashaanan haybta reer Magan. waxba aanu ku hamkayn Hashaan sumadda hororka ah, halka luqunta kaga dhigay Hashaan baarqab heeg dheer, haysimada ugu daray Hashaan soo hintiqiyoo, hadba hogob ku soo furay Hashaan kaga hareerraa. haaweyda caydhaa Walle maanta kii hola, huga dhiigga kaga qubay!
Dulucda
Daraawiishta Saalixiya eey dood aan ku iraahdo.