Gabay Sare

HASHAAN DHAMACA JIILAAL

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Mar Sayidka loogu soo ergooday geel ay Daraawiishi Ogaadeen ka dhacday, Sayidkuna diiddanaa in geela la celiyo, ayuu mariyey gabaygan soo socda:

Hashaan dhammaca jiilaal jihaad, dhooddi uga saaray Dhuuniga wareegada hashaan, goolalka u dhaatay Dhaxantii habeennimo hashaan, dheelka ugu guulay

Hashii uu dhuyucu ii muday, dhuundhastiyo jiiqdu Hashii uu dharkii igala haray, Dhiraha baarkoodu Dhegta waaga goor hore hashaan, weerarka u dhiibshay

Dhagax waaq hashaan kaga dhigee, dhuumasho u diiday Dhaharkii Qorraad iyo hashaan, Dhuur ka soo didiyey Dhoorreey hashii aan ka helay, dhidar Ogaadeena

Ninka iga dhaqaaqoo kufriga, dhalida weyn raacay Inkastuu dhawaaqoo baryada, kor ugu dheeraysto Ka dhaartaye haddaan siiyo waan, dhalo falluuqoobay!

Dulucda

Mar Sayidka loogu soo ergooday geel ay Daraawiishi Ogaadeen ka dhacday,