Gabay Sare

HANFI IYO HUNRIGA SOO DHACA

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Sayidku kolkuu ogaaday inuusan Cabdalla ee uu hadal badan iyo afmacaani wax riyaaqay. Cabdalla waa tagay si uu ugu soo tabaabusheysto guurkiisa iyo mindhismadiisa, hase ahaatee soo noqodkiisii wixii lagu filayay ma keenin, weliba si qaab daran buu xarunta ku yimid, taasoo ahayd, isagoo niman carab ah oo gedisley ah garwade u soo noqday si uu xoolahooda ugu meel maro. Dabadeed Sayidku kolkuu ogaaday inuusan Cabdalla ee uu hadal badan iyo afmacaani wax ku doonaayo, uma xil qarine, safarradii oo meel lagu furay ayuu wuxuu ku yiri, xoolihiinna daartaas u daadguraysta, Cabdalla wixiisina meesha uga taga. Dabadeed joonyad xoogaa dhar ihi ku jiro ayaa meeshii looga tegey, ka dib Sayidku gabay ayuu Cabdalla u mariyey, gabaygana waxaa loo bixiyey Hadaafaa:

Xuseenow ninkii xididkiis hagraday, waa habaar qabe e Hannaan iyo wanaag badan haddii, heedhe laga waayo Isna waa hubaa inaan aroos, loo hadooduline

Hindisuhuba mar buu kaa ridaa, hogobyo sheydaane Mar uun baa daruur hababac tiri, lagu hungoobaaye Eebbow habheeb lama maree, hirifsanaa meeshu

Afartaas sidii heega roob, haw ma kaga siiyey Hawraarta gabay lama ba’shee, hilin ma qaadsiiyey Hadal kalena waa inanta iyo, halaan ka faalleeyay

Hiirka laaca weyn baa nafluhu, haabo leeyahaye Ninkii waliba hawada Faadumuu , haanka ku hayaaye Hoomaalka Qarad baa dadkuba, u hanganayaaye

Hanaddada Majeerteen yaa, laga hor joogaay Hindiya iyo waxaa looga yimid, hara Ogaadeene Ha yeeshee Hartigu inuu lug go’i, hadiba maayaane

Intii hooyadeed laga baxshaa, lagu haweysiine Ninka soo hadaafee yidhi, ilaxidh ii hoosa Lama hubee inuu maro ku heli, hawl yaraa gabadhu

Daraawiishta heelkaa degtay, habar wadaagaane Nin waliba hor weyn buu ka filan, barac la mooddiiye Haadaa qabiil nimaan ahayn, hadalka muu daayo

Nimaan yarad haruur lagu masliyo, hibo ka keeneynin Muu hoogye meelaha ka dayo, harag miduu siisto Haween kalese ma waayine, maxaa hawdka soo mariyey!

Dulucda

Sayidku kolkuu ogaaday inuusan Cabdalla ee uu hadal badan iyo afmacaani wax