Gabay Sare

HADDAAD TIRI

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Goobtii Jidbaalle oo Daraawiish lagu naafeeyey markay dhacday ka dib, ayaa nin la yiraahdo Kaarshe Guuleed Niiqle oo lagu neynaasi jiray Kaarshe Salliiq, Daraawiishna gees ka ahaa gabay u mariyey usagoo ku diganahaya, wuxuuna Kaarshe yiri: “Daraawiishta qooqani markay, nagu qamaamaysay. Ma u qarinnay maadhiin qacliyo, qabar aan loo sheegin. Ma u qubatay sida roob guyoo, yare qayoodaaya. Qudha kalama maarmine, dagaal qira leh mow keenay?” Sayidka haddii hadalkaas loo geeyay wuxuu ku jawaabey gabay:

Nimanyahow qummaadaa i dilay, quduro waa yaabe Aan ka quustay Soomaalidii, qurunka weyneyde Qurji dheerihii bogox jiray yaa, iila qaab darane

Afartaa qodbee balaan, mid kale qaafka ka higgaadsho Aan qaddiciyo waa xaajadaan, qaayiboo iriye Ina-Dhiiqle qaylada ka timi, qowl aan ka iraahdo

Wiilyahow ninkii kula kheyra, baa lagu qaraaxaaye Qumanaansho wixii aan ahayn, waa qar soo dumaye Qaddar nimaan lahayn hadalkii, waa lagu qatoobaaye

Haddaad tiri Daraawiish anaa, qabar ku daayey Asaad tiri anow qubay sidii, qadowga dooggiisa Asaad tiri qamaankii anaa, qoorta wada gooyey

Haddaad tiri anaa wada qur jaray, qaafadii le’etay Asaad tiri anaa qaashka waran, qaaxaduu geliyey Asaad tiri qaxaabyahow anaa, qalay raggii diinta

Qalbi laawayahow taladu, waa kaa qarsoon tahay e Haddaad qaaya leedahay, waxaa kuma qisooteen Qamac lagu shidyow qayl xunoo, qaaq yiraa tahay

Qadafkaad na tiri waa midaan, laga qaboobayne Wax qawaacidkaa kugu furay, qiimo xumadaaye Ha qoomamayn abid waxaad, qiratay waa hooge!

Dulucda

Goobtii Jidbaalle oo Daraawiish lagu naafeeyey markay dhacday ka dib, ayaa nin