Gabay Sare

HAASAAWE LAYSKUMA XANTO

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Malaggaan habaabayn haddii, nala hor qaadsiiyey Kuwii loo hamuun qabay haddaan, uga hagaag yeelay Hiidda Golol Hobyiyo Gaalkacayaan, heegankii tubaye Haddaan heel baanan ugu arrumay, halab dagaalkeeda Hikta sumaea maarraha hanqara, hungunka baaruudda Takarkii habeerka u ekaa, haatuf uga roorye Ha yeeshee hubkana waa ka siday, hanaddadiisiiye Hilbahoodu waatuu tukuhu, haystey bahalkiiye Hawo badane reer Mahad haddaan, hooyadiis kudinnay Intaan wada hoggaan baray Midgaha, hilin ma qaadsiiyey Haasaawe layskuma xantiyo, habar duleedkeede Haadaa-qabiil nimaan ahayn, hadalkii waa beene Askartii hareeddada xumayd, ways hundo ogayne Heeraaga goortaan wadnaha, hubuq ku siinaayey Hooghoognay! waatay lahayd, sida haweeneede Rag hadday hinaasiyo col iyo, hiinyo kala gaarto Ama heerigaas talada guud, kaga heshiin waayo Inkastoo hurduba laysku wado, haayir iyo gaadmo Halo buubsashiyo tuugo waa, ka humbullaataaye Inay had iyo geeriyi ka dhici, hubantii weeyaane Waxay hibadu raacdaa ninkii, hiil Ilaah qaba e Haakaale Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh!

Dulucda

Malaggaan habaabayn haddii, nala hor qaadsiiyey