Gabay Sare

GUULLOW ALLAHAYOW

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Nuur Jaamac Maxamad “Dhalbaas”, rag uu ammaanduule u ahaa ayaa Daraawiish ka fakaday oo waxay u galeen Ingiriis. Dabadeed waxay Ingiriis ku dhaheen, dab iyo raashin na sii Daraawiish aannu la xarbinnee. Ingiriis siduu doonayuu helayee waa ku taageeray. Dabadeed intay Ingiriis hub iyo maal fara badan ka soo qaateen bay waxay dageen Nugaal dhinaceeda galbeed oo waxay ka samaysteen meel ay ku magacaabeen xarun-yar. Sayid Maxamad ma jeclayn wax Daraawiish tabco u dhiga ama turraanturreeya markay gaalo ku jihaadayaan, sidaas daraadeed ayaa xaruntii col lagu qalqaalay si nimankaas Ingiriis gaashaanka u noqday meesha looga kiciyo, markii laga libeystay oo la laayey ayaa Sayidku gabeygan mariyey oo wuxuu yiri:

Guullow Allahayow haddii, guluf la uubeeyey Gammaankii dariiqada haddii, gaanne laga soocay Gooshiyo sangootida haddii, heense lagu gaaray Goor hore salaaddii haddii, gaadhka lagu fuulay Afar maalin Gallaa haddii, lagu guraar beelay Guuraha habeenkii haddaan, gooxa laga jiifsan Geliddii haddii loogu tegay, galaxyaday joogtay Gudguduudka waabberi haddii, weerar lagu gaacshey Goonyaha haddii laga maree, lagu garmaameeyey Geed-joogyadoodii haddaan, guduriguu loogey Oo goonjigoodii tukiyo, haadku gabasleeyey Goonku iima naxo nimay kufriga, gole wadaagaane Galladdaa Allahayow adaa, nagu gargaareystay!

Dulucda

Nuur Jaamac Maxamad “Dhalbaas”, rag uu ammaanduule u ahaa ayaa Daraawiish