Gabay Sare

GURIGII DARIIQAAN LAHAA

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Gabaygan waxaa la mariyay guyaashii ay Daraawiishi deggenayd Nugaal xeebeheeda hoose - xeebaha Ayl iyo Ilig-deldela, markan xarun waxaa u ahayd Gelingaalle. Ujeeddadiisu waxay ahayd Sayidku Daraawiishta - inuu u sheego dhulkay doonayaan inay qabsadaan iyo duullaanka baxayaa jidkuu mari lahaa. Wcligood Daraawiishi waxay haanka ku hayeen dalka loo yaqaan Nugaal iyo dhulka ciidda cas midna inaysan gacantooda ka bixin, waxay ku wadeen haddii xeebaha looga soo duulo oo laga qabsado, irridda kaliya ee u furnayd inay ahayd Nugaal, xagga dhaqaalaha xoolaaha haddii loo eegana waa dhul wanaagsan. Wuxuu Sayidku yiri:

Gurigii Dariiqadaan lahaa, guluf ka heenseeye Badda gooddigeedaan lahaa, gudub u sii qaade Golol iyo Cadduun baan lahaa, gabagabee beele

Garoowaan lahaa gelin ku furo, gaatiyaha awre Gaalkacyo Beyraan lahaa, bari u sii guure Dhudub iyo Gallaaddaan lahaa, galalafoo dhaafe

Afar geeddiyow baan lahaa, Doollo ugu guure Gaafoow galkiisaan lahaa, gole ka maageere Garloogube gadiidkaan lahaa, gaaddaduu mariye

Goglo iyo Bannaan baan lahaa, geydho ka eryoode Qabridaharre baan lahaa, gaalana u xiire Galshey baan lahaa reer Subeyr, goborro weyntiiye

Haaruun gumaad baan lahaa, gabadhna haw reebin Gufaacada horaan Dalal lahaa, golaha raacsiiye Gurraasiyo Iljeex baan lahaa, gowrac ugu jiide

Gadhcaddaha Xuseenaan lahaa, guduriguu looge Gorof u eke Raabboo aan helay, uma gargaareene Gowsaha ka jebi baan lahaa, gudo qudhmoonaaye

Gaalayska Xaylaan lahaan, geli nijaaskiiye Gaboygii xaglaha godon lahaa, garacii reer Ciise Xasan gamas ku jebi baan lahaa, goob ha jiifsado e

Gasirkii walaalkii ahaa, daba guduudnaaye Usaguna goshaan waran ka gelin, goor aroorya ahe Cumar Nuur gantaalaan lahaa, go’aha raacsiiye

reer Khalaf gurboodkii ka hadhay, geeridiis nacaye Magan inaan waraabe u gambiyo, waa garaan jirine Huwanoo aan garan inaan dulmiyo, weyga garanuuge

Iiddoorku waa gacal Amxaar, geydhna wow qabaye Ilka giirre inaan gowracaa, igu gar weeyaane Usaguna gaddoonkaan lahaa, ugu galaal xoore

Araarsame gunta inaan ka jaro, wow guddoonsadaye Gidhligaanka waxaa loo cabbeyn, inaan ku goynaaye Gaaskii ishaarada lahaa, guutadii wacaye

Gooshiyo sangootiga berraa, lagu gelaayaaye Guullow Allahayow kuwaas, nagu gargaar maantay Geeliyo Allahayow na sii, guuyadiyo reerka.

Dulucda

Gabaygan waxaa la mariyay guyaashii ay Daraawiishi deggenayd Nugaal