GUDBAN (GAAL-LEGED)
1898kii illaa 1910kii, ayaa Sayidku dadka ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo xaruntii dad badani raacay, xoogna ay yeelatay haddana dadkii Daraawiish ku meegaarsanaa, af-lagaado iyo adyad bay ka deyn waayeen iyo xitaa inay gaalada garab iyo gaashaan u noqdaan. Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaaggii la diiday in waran caaraddii lagu dayo. Usagoo Sayidku Daraawiish guubaabinaaya wixii loo geysteyna faallo ka bixinaya, danabbadiisii la laayayna gocanaya, waxay ka fali doonaanna tusaale ka bixinaya, meelaha in nabarro loo geysto ku habboonna tilmaamaya, ayuu tiriyey gabaygan soo socda oo magaciisana la yiraahdo Gudban, Daraawiishina u tiqiin, Gaala-legad, wuxuuna Sayidku yiri:
Awel maanso waa taan gudboo, gurina waayaaye Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye Aan gaasheeyo tii hurdada xalay, gama’ ii diidday
Galladaha Ilaahay ka badan, geedahaas baxaye Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye
Nejiskii gurta xumaa Gurey Shirwac Nuur Cismaan. hadduu, shalay geeriyoodey Godka lagu cadaabkii haddaan, gowrac ugu jiidey Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene
Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede Isagey gargaaroo dugaag, iiga gooniyahe Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane
Gantaldheere waataan wax badan, guunyaduu maraye Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey Anigu waw garaad qabay inuu, gigi waraabuuye
Giriirix aan jirin waa wixii, gaabshey oo rogaye Gaalayska waataan la dhacay, gucurradoodiiye Haddeeyaan abaal gedin sidaa, uma gadoodneene
Godolkiyo gasnaantaan u qabay, kama gasnaaneene Kama gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane Waxse mawd ku gaardiyay markay, ganafka taageene
Gubaygii Shuxle Shuxle Yuusuf Cismaan. ahaa haddaan, gowsaha jebiyey Gegida Yuusuf Xaaji Yuusuf Samatar Cismaan. jiifaa tukuhu, gebas dhebaayaaye Geesaaska dumarkaa sidii, dumar la moodaaye
Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey Guska taajir Axmed-taajir: Wuxuu ahaa boqor Cismaan walaalkii, wuxuuna u talin jiray Boosaaso iyo inta la xiriidha. baa ii haraan, ugu gamuumaaye Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye
Majeerteenka kale inaan ku gudo, weyga garanuuge Garacyada Bah-Dira haatan, guuto loo wiciye Waa lagu gadaal xoorayaa, gurigii reer Nuure
Gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu garanayaaye Goob bay ku wada le’an sidii, goosan weer helaye Gafuurroxun sidii Eebbahay. Guuldarro u raacshay
Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’deydii dheh Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol neqaygii dheh Madfac gow yiraahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh
Guluciyo mayay la isku daray, galangalkoodi dheh Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl Waa magaala ku taal waadiga Nugaaleed meeshuu badda Hindiya kaga daro, Daraawiish baa qalcad ka dhisatay sannadkii 1904-1905tii. dheh
Shir la gooday waayeel gab yiri, garangartiisii dheh Xiriir lagu gimaamadahayiyo, gole firaasheed dheh Xaajada ninkii garanahayiyo, gig iyo sheeggeed dheh
Gobo’ kalena waa aniga iyo, ged iska sheeggayga Galiilyoodayey cara miyay, gubatay laabteydu Gogoshii la sii dhigay miyaan, geydh la qaban waayay
Gabbal dhiciyo waabberi miyaan, socod ku garraaday Gadiid maalin oo dhan miyaan, gaafka sare meeray Sidii awr gabreed miyaan, gululubluu rooray
Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay Ma geddaba dhabadkaa sidii, geri i boodheeyey Gooxii aan yuururay miyaan, gibii madoobaadey
Raggii igu gadaanna, miyaa aakhiro u guurey Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday Gammiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laalaadshey
Gelin haddii aan fooraray miyaan, giirka kor u qaaday Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayo diriray Hadba gees miyaan dayey intaan, gownaxyada buuray
Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyey Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay Ma gambaan u taagnahay intey, gaadho noloshaydu
War ma Dhooddii Wuxuu ahaa faras qurux iyo dheerayn caan ku ah, hortii waxaa lahaan jirey Xirsi Cartan Boos, ka dibna Sayid Maxamad buu hadiyad u siiyey. baa gaamuroo, garabku weynaaday Ma gaalasya midaan ku shubay, gamashigii deyrta Gorgor dhacay la moodyoow durduro, ma igu gooraamay
Godobteydu waa wada jirtaa, goonyahoo idile Geshi nimankuu leeyahayba waa, dabageleyaaye Waxaan goosan karo anigu, waa gurubsanahayaaye
Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye Geyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye
Nin ganaanayaan ahaan, gabarna dhaafeyne Waxaan geystoo idil wey, gun iyo rayrayne Wixii ii guldarreystaba naflaha, wow gaggabayaaye
Anigaba geddey igu faleen waa, gaggaab culuse Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene
Anaa gaafahaygii nadhaye, geste nabarkiiye Anaa rasaasta waxaan u gingimay, gini colaadeede Gabagebaha bari waxaa ku xigi, go’aha Iiddoore
Guban Waa dhul buuro ah oo kulul, una dhexeeya xeebta Berbera iyo dhulka loo yaqaan Oogo. iyo Burciyo Burco: Waagii hore waxay ahayd ceel xooluhu ka cabbaan, waxaa la degay 1910kii, haddana waa magaalo madaxda gobolka Togdheer. Looyo Waa ceel u dhexeeya Burco iyo Shiikh. waa, gaalib weerara e Gooddiga Arooraa Aroori: Waa dhul bannaan oo geed gaab leh oo Burco geesta koonfur-galbeed ka xiga. fardaa, lagu garmaameyne Garoodi iyo waxaa lagu tegi, buurihii Golise Golis: Waa buur weyn oo magaalada Shiikh dhinaca galbeed ka xigta.
Galaayuubta Hagar-Aaden baan, gaaddadow marine Genbi waw ridi fulayadii, ganafka dheeraaye Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye
Sidii garow hadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walba jooga Inshaa Ilaahu waa gurahayaan, sidii gal miireede
Guuraasiyo Gurraase Xaaji Cali wuxuu ka mid ahaa raggii shirqoolkii Gurdami wax ka abaabulay. Iljeex Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, wuxuu ahaa ninkii abaabulay shirqoolkii Gurdami. waa la qaban, gooshka haatana e Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale Gaas baan ku caran reer Subeyr, goborra weyntiiye
Kolaan Gooro-cobbaley ka dayo, amase Geel-loo-kor Buur u dhexeysa Dhagaxbuur iyo banka Sayallow. Huwan waa ka gelingaabsan jirey, gelin ma waayaaye Haaruun xaggee baa la geydayan, Goha Waa ceel togga Daaqato ah. miyuu dhaafi
Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo
Gebgebtiyo gallaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye Ninkii gooman waw shubahayaa, galaxa caanoode Gabbaan laguma soorenin raga, balaan ganuun siiyo
Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadeydiiye Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye Aan gofleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye
Xaajada nin gunaan ahaye, aan u garraddeeyo Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guureeyo Meeshuu garaadkeedu jiro, gow aan kaga siiyo
Niman gedo yareyn baan ahoo, Gaaddaweyn Waxay ahayd Deyr abaar ah oo roob la waayay. jiraye Waa ii garaad li’i dantay inaan, ka gaaftaaye Goba kalena waa Eebbahay, midaan galliimeystay
Eebbow geyiga oo dhan waa, nalaka guulaaye Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuuneeye
Go’na laguma qaadine dulmay, nagu gelaayaane Gabbaad kale haddey noo helaan, waa gam’i lahaaye Eebbow waxay nagu gabreen, diinta soo gala e
Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye Eebbow gamaan iyo waxaan gini, cas dhiibaayey Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye
Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene Eebbow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye Eebbow waxaan gabawareen, Gaagguf Xasan Gaagguf Axmed Mulac. iyo Xayde Xayd Aaden Gallaydh Ducaale, waxaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
Xirsigii Xirsiwaal Maxamuud Cashuur, waxaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle. garaaraha lahaa, gaarufkii dila e Geydhaale Aw-Aaden Aw-Aaden Seed (Udaweyne) bay, galowga taabteene Eebbow geesigii Ina-Dherey Xaaji Maxamuud Dheri wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayidka Maka u raacday, waxaana lagu dilay dagaalkii Cagaarweyne. , ugu guduudsheene
Guxushaaga Beynaxa Beynax Aaden-Gallaydh, saddex wiil oo uu dhalay ayaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle. ilmadu, waataan gabaxleyne Gorroska Muusae-Taaganaa Muuse-Taagane: Muuse Jaamac Maxamad Dhegaweyne, afar wiil oo uu dhalay ayaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle. wadnuhu ila gariiraaye Eebbow weys gamaamaa markuu, gaarka soo waro e
Guuleedku Guuleed Caligeri Axmed. wuxuu noo ahaa, guurtii loo hirane Nimankii garaaddada ahaa waa, garow jabane Eebbow sidii gaantii maro, waa la gaasiraye
Eebbow gaari bay reer Warfaa, guradii saareene Gudbi baan ku dhacay reerihii, gannaan jiraye Eebbow gooni baa lagu heliyo, guri qalaadheede
Gugii ka haray reer Shawaa, caydh la golosleyne Waxa godey sidii qaanso, waa gaajo iyo ciile Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiishaaye
Cali geri sidii loo gondoloy,gobolba meel aadye Waa galangal nimankii fadhiyey, guriga Ciddeede Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede
Eebbow goonji weyn iyo xaq bay, naga gullafteene Guullow ma helayaan waxay, nagu gubayaane Eebbow waxay naga gogtaan, waa gaaloof olole
Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifeysaaye Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye
Ma garaysni Eebbow waxa, guufanayska ahe Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gara’layne Eebbow markaan geylamay, guulmiyoo biqiye
Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye Eebbow kufriga gedaftalay, gacanta haystaane Eebbow anaa kugu garlee, guusha hay seejin!
Dulucda
Gabayga 78