Gabay Sare

EELKII QABSADAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Darwiishka la oran jirey Cabdalla Shixiri wuxuu ahaa Xoghayaha Dibadda ee Daraawiisheed, wuxuuna ku hadli jirey afka Sayidka intaanu fakan, wuxuuna aqoon u lahaa afafka Ingiriiska, Carabiga iyo Talyaaniga. Hase ahaatee isagoo Cadan jooga ayaa Ingiriis xoolo badan ku bantookhay, kuwo kale oo joogto ahna u ballan qaaday haddii uu Sayidka iyo Daraawiish ku ballan furo, waana yeelay. Dabadeed, farriin qarsoodi ah ayuu u dirsaday xaaskiisii, caruurtiisii iyo xoolihiisii dariiqada joogay si ay xarunta uga soo fakadaan, markiise laga war helay Cabdalla Shixiri inuu ballan furay, lana ogaaday dadkiisii inuu fakanaayo, iyagiina waa la laayey xoolihiina waa la dhacay, Sayidkuna gabaygaan yar ayuu u mariyey:

Eelkii qabsaday reer Catoosh arax gariirtaaba Ilma daadisaa iyo sidii aar u oroddaaba Afka duubtaayaa iyo gafuur umal taagtaaba

Isku eebataa iyo nin kale eed ku dadabtaaba Ardiyeysataa iyo dillaal oon ka dhigataaba Ingiriiska eygaa sidii Eebbe baridaaba

Nin ibtilo ku dhici baa tahaye urug la taahdaaba Amminkii habeennimo hurudada alad booddaaba Raggii uu waraabaha abxaday agas u qaaddaaba

Asay xidhatayaa amase weer, kugu abaadyaaba Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba Ararihiyo dibaddaa martoo naga ufootaaba

Awtaamisaa iyo sidii geel o oloshaaba Arki meysid ina-Shixiryow inamadaadiiyee Adiguna amxaar baad tahaye ehel nijaaseede.

Dulucda

Darwiishka la oran jirey Cabdalla Shixiri wuxuu ahaa Xoghayaha Dibadda ee