Gabay Sare

DOQON BAAN OGAYN SUUDIYOW

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Dagaalkii Daraawiisheed ee gumaysiga ku jeeday markii uu billowday, iyo markuu dalka Soomaliya aad uga fidayba, Sayidku wuxuu ku dadaalay inuu dalka qayladhaan gaarsiiyo si gumaysiga looga hortago, gaar ahaanna wuxuu warqado u diray culimada diinta. Shiikh Uways wuxuu ka mid ahaa ragga buuniyada ahaa oo laga filaayay inay jihaadka wax ka galaan, hase yeeshee ma yeelin. Yeelid la’aantaas Daraawiishi waa ku colaadisay, waxayna ku tilmaameen inuu Talyaaniga la jiro, dabadeedna waa dileen. Sayidku gabay yar buu arrintaas ka mariyay, in kastoo laga yaabo inuu badnaa, wuxuuna Sayidku yiri:

Doqon baan ogayn Suudiyow dahaya naareede Wuxuu dookhaneeyo xumaan deli la meeraaba Dambiguu falaayaa Uweys loogu dowgalaye Candho dogoble goortaan dillaa roobku noo da’aye Dabkuu shidayay Aw-Aaden waa diinta Nebigiiyee Dambaahurada lahabkii miyuu naxarka deebeeyay Daraawiishta Saalixiya waa oog aan damihayne Dikrigiyo Ikhwaankii miyaa Eebbe derejeeyay.

Dulucda

Dagaalkii Daraawiisheed ee gumaysiga ku jeeday markii uu billowday, iyo markuu