Gabay Sare

DOODNA WAXAAN U LEEYAHAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashii Daraawiishi calan walleyneysay ayaa xaruntii col lixaad leh laga dumay. Hase yeeshee ninna kama war qabin, mana garanayn colkaas meesha lagu duulin doono, niman yar oo madax ah maahee. Xaaji Suudi Shabeelle oo qusuusida Daraawiishecd ka mid ahaa, Sayidkana afhayeen u ahaa ayaa jeclaystay inuu ogaado colkaasi meesha uu ku duulaayo. Markaa Sayidkii buu ku yiri: “Sayiddii aan colka Isaaq ku duulinno, siiba Habaryoonis.” Hadalkaas Sayidku wuxuu u qaatay digniin baxday. Isagoo canaan iyo guubaabo ugajeeda, dadkana qayb walba gaar ahaan ula hadlaaya, wadaaddada, maatada iyo dadoo idilba, ayuu wuxuu mariyay masaafo. Waana maanso jiifta ah tan ugu dheer. Wuxuu yiri:

War Suudoow dagaalkaba, anigu dooni maayee Dunjigiisha Iiddoor, duudsi baan ka yeeloo Dibindaabyo Habaryoonis, dacwigu iima qabanoo Dagaal Sugle Caynaanshe, durqunkiis ka dhaartoo Danabbada Ammaan dhalay, daawaa naga dhaxaysoo Dabar hadduu ka baylaho, dubkaa ii xanuunoo Denbi igama raacoo, daacad weeye saasoo Darwiishkii Suldaan-Nuur, duudkooduu ka beermoo Ciidagale ma dooraa, an danqaabi maayoo Duubigay calaamayn, Diiriyaannu xididnoo Dayax-weerar jeer hore, rag baa igu dukhuuloo Dadka Nuux Ismaaciil, dudmo igama haysoo Reer Yoonis dayr hore, waa tuu diiday gaalkoo Markuu uunku dabagalay, waakii doc uga leexdoo Wax kastoo loogu dowgalay, waataan la deynoo Hiigaanyo xoola ah, waatii laga dareershoo Deyn iyo dulsaar badan, waatii laga dadduucoo Awgey danafka baas daa, diradiro ma fiicnee Nin duqaan ku moodaayaye, daa’imo miyaad tahay? Dacwigaan bannaanayn, maxaad uga dan leedahay? Ina-Shixiri baa dilay, danyadiyo islaaxoo Ragguu dahabka dhaafsaday, caraa wada dig-siisoo Door buu is moodaayey, waase doora waynee Ma ku dayatay waadigaa, wax duqlaalinaayee Maxaad uga dan leedahay, duullaanka aad humi Dawo lagama helayoo, dur baa lagu halaagmiye Ninna duuli maayo, cirka uma dafaayee Waxa dunida joogaba, dookhaan laguma ridayee Degmo haatan dhaqan baan, duug laga arkaynoo Reero duunyo haystaa, cayr dulugle noqonoo Dagaaggaa wuxuu tegi, dekeddii Cadmeedoo Wiilal deeb marsaday baa, waraabuhu duddubinoo Meyd dogob la moodaa, dugsiyada warnaanoo Wax la dooxo mooyee, dar kalaan jireynoo Lag duub leh oo dab weyn sida, daaqad looma helayee Deebaani baaruudda, dalkuba waa ku ololiye Fardaha dininigtoodaa, doy looga qixiyoo Doonyadaa waxay tegi, Adari daafaheedoo Wixii deebla geelaba, duhur baa la qabanoo Maqribkaa hadduu dumo, dalaad lagu arrumiyoo Iyadoo daruur u eg, ama daad masaalkiya Markii waagu daalaco, Derbi waa la kicinoo Senga duubi weyn baa, hadba doca ka geliyoo Daliilkii Ilaahiyo, dikraa lagu kaxaynoo Dugul maraqa ay luli, dabada loogu xiriyoo Debeq lama uleeyee, daaqsin bay u soconoo Kuwii deero foofsaday, dugaaggaa la siiyoo Daabbaddiyo hubkoodii, dorraataa la helayoo Dayayadii horeetaa, rasaas lagu digsiiyoo Dawanka iyo sowdkaa, dilalyada ka kicinoo Inay soo digigixi, dibaey lagama yaaboo Ninkii deys ahaa baa, boqol loo dawariyoo War Daarood libtuu helay, dayib iima aha oo Anigoo Dariiqaa , asagay dulmiyayoo Raggii daahirka ahaa, asagaa dulleeyoo Nasaarada dirayska leh, asageygu diraayoo Markaan diirtay ferenjiga, iyagay duleedshoo Maandhoow kuu duceeyaye, dabuubtayda maqaloo Ma duuloow wixii lumay, maanta haw daliil noqon

Afartaa dubbeeyaye, ma daabacay sidaydii Ma daleeyay maansada, dammiin baan aqoonine Hadal diirsimaad gala, duri waa u oron jiray Doodna waxaan u leeyahay, kuwii diinta caasiyay War haddii laga diday, sida deero iyo cawl Rabbi nama dulleeyee, Cawar maxawla deristeen? Eygi doofisha lahaa, daaha maxawgu rogateen? Dumarkii idiin dhaxay, dala maxawga yeesheen? Doofaarkaad qalaysaan, sow kama diqootaan? Dulligiyo cadaabkii, maxaa kiin isugu daray? Durriyaddii iblays iyo maxaa, daadduf idin qoray? Dariiqii rasuulkiyo, dawgii maxawga bayrteen? Xaqa aan daboollayn, maxaa idinka soo deday? War sow derajo aakhiro, rabbi kama damcaysaan? Xuuralciinta diibka leh, war maxow dalaaqdeen? Durdurkii firdowsana, dacni maxawga yeesheen? Dibjiryadiyo guuraha, dafdaf maa u roortaan? Dacas lama jiifee, xaqa maw dedaashaan? War hooy deeqa Eebbiyo, janno maa u dirirtaan? Daqarkiyo dubaaqada, dacar haddow malayseen? Dumbuq ninkii aan lagu ridin, dan la’aanba waw dhiman In kastaad dedaashaan, ma naf baad damcaysaan Haddaan dunidu waarayn, miyaad daa’imaysaan? Duqyaankii Fircoon iyo, aaway daarihii Caad? Qaaruun dad iyo maal, damug baa la siiyoo Tacaddiguu Samuud falay, faddamdama ku noqayoo Waxaa loogu daw galay, Daaq iyo Gureeyoo Nebi Nuux kuwii dagay, duufaan baa la tegayoo Dooniduu samaystiyo, dooshi buu ka korayoo Docogaysigii Luud, doogtiisii la aragyoo Nimankii darribi jiray, Rabbi waw darraadoo Iyagaan digniin qabin, malaa’iguu u dirayoo Dambasyaalla culus baa, dusha lagaga ridayoo Nin kastoo digniin qaba, maruun baa la dagiyoo Dooxanaha mowdka ah, diric kama geleysaan Haddaan beendabaad ahay, aaway dowladdii Iram? Aaway doorarkiinii, danlahelayda qabi jiray? Ma daleelay maansada, dammiin baan oqoonnine Afartaa dubbeeyaye, ma daabacay sidaydii Hadal diirsimaad gala, duri waa u oron jiray Doodna waxaan u leeyahay, culimada dafaarka ah War an idinma doocine, idinkaygu diimee Dalkaad iibiseen baa, dacarta igu kiciyaye Shan haloo idiin daran, dannigiin ka fiirsada War waa inaad dayowdeen, diirad haddaydin qabateen Dadka aydin raacdeen, isna waydin diga gubi Dillaalkii la siiyana, dunna kama helaysaan Ninkii idin darraabana, ajri iyo ducuu heli Dibna deeqa Eebbahay, dibinta saari maysaan Diin niman lahayni, dameer caynsan weeye e War maxaa dufulayahay, cadaawe ugu daranteen? Wanka doosha weyn iyo, ma dagadaad u xilateen? Qandiga mayska duubtaan, dawarsigu ma fiicnee! Awyaalow ma diiddeen jahaadka maw dareertaan? Warma danana iyo seef, degta maad ku qaaddaan? Darmaan haad la qooqdiyo, Doolaab maa u fuushaan! Wiyilka diirkaqaadkaa, bidixda mawgu dadabtaan Doobbiga xammalkaa, dakarka maa ka goysaan Daacufleyda madidaa, degdeg maw xabbaadhaan Idinkaa dalkaba lehee, dowlad maw ahaataan Illeyn doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa ka baylahay! Afartaa dubbeeyaye, ma daabacay sidaydii Ma daleeyey maansada, dammiin baan aqoone Hadal diirsimaad gala, duri waa u oron jiray Doodna waxaan u leeyahay, da’ kastaba ha noqotee Kuwii diinta qariyow, idinkays dilaayoo Nin dalkiisii iibsaday, dulli buu ku waariye Ninkii gaalka daba gala, darxumow dambaynoo Naftu hadday ka duushana, dalku waysu diidiye Inuu haadku diirdiiri, waa sida daruurtoo Dulbaaxiisa feeraha, dab baa lagaga shidiyoo Hadduu waayo darib cuno, waa laga dambaynoo Ninkiise dawga dhaafaaya, dawo looma helayee Digtoonaada weligiin, dunidu waari maysee

Doodna waxaan u leeyahay, dumarkiyo carruurtoo Dadkii idinka weynaa, hadday idin dulleeyeen Danbi kama ay yaabine, cuntay idinka doorteen Duunyaa la dhaafsaday, dugsigaad geleyseen Dameerkuna ma yeeleen, halkay talo ku daysteen Dab intay shideen bay, dalaq idinku siiyeen Doox intay qodeen bay, ciid idinku daadsheen Nin idiin damqanayaa, idin kama dambeeyoo Haddaydaan digtoonaan, daad baydin qaadiye Duleeddada kufaartaa, dacas idinku laynoo Naf dalkaaga doonaysa, firaash looma daadshoo Dabkan aan shidayaa, dawadiinna weeyee Dariiqii Rasuulkiyo, dawga ha ka bayrina

Dood kalena waa anigiyo dan iska sheeggay Xalay sida digaaggaan, dar Alluun isaga ciyay Habeenkoo dalool tegay, dibeddaan isaga baxay Dermadiyo furaashkii, dugsigiinna kuma ledin Dhaxantiyo dabayshii, daleel baan u kuududay Dowliilkaa ii joogaye, qalbigu way dawaafsamay Dalal iyo Subayr baan, Daratoole ugu tegay Aararsame wuxuu degay, Dooxiyo mareerkii Maalkay inaka deebsheen, dareemada ka badan Doogna waa cunaayeen, danaagna wawgu leeyahay Waana durbaansanaayeen, waana dabbaaldegaayeen Duujo iyo cay iyo, durruqaan waa shubaayeen Anaa Doollo weeraray, anaa deeradii helay Dibtaa geesiyaan ahay, daaxuurradaan gani Daraawiish anaa helay, dumarku wawgu heesaan Waxnay igu danqaabeen, Rabbi haw darraadee Annagaa sidii dogob, duur idinku hurinoo Annagaa nooga durugteen, dagalkiyo ruktiinnii Waxnay igu dardaareen, Rabbi haw darraadee Ama dalawi naga hele, ama dabata qaayiba Ama digada naga gura, ama dirir u joogsada.

Dulucda

Guyaashii Daraawiishi calan walleyneysay ayaa xaruntii col lixaad leh laga dumay.