Gabay Sare

DIIRIYE-ABUUJAHAL

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Inkastoo aannu wax badan ku dedaalnay gabayada ujeeddadii loo tiriyey iyo danta laga lahaa inaanu helno, haddanna waxaa jiray gabayo iyagoo qoran aannu helnay, dabadeedna meel loo raaco la waayay, welina sababtii loo mariyey la baadi goobaayo. Waxaa ka mid ah gabaygan soo socda.

Diiriye Abuujahal hadduu diiday Nabigiisa Oo duubkii xoorooy kufrigana diiradda u qaaday Bal muxuu dariiqada la yimi daba xabuurraaye

Awalba waw u dareen qabay inaan daahir loo dhaline Daaxuurka feeraha xumi ma aha Daaroode Daanweynihii baa u wal qalay dabinta buurnaaye

Daaraha jannada inuu askumo diinta laga waaye Doofaarka iyo eygu waa derajo dhaamaane Denbi igama raacsana inuu yahay dirkii Koofil

Haddaan dayo dugaaggaa indhuhu waa ka didaayaane Dubku kuuma qaban karo nimaan kuu dadba ahayne Dabatoobku wuxuu igu cillayn dirirtii jecrkiiye

Dagaalkii ninkii ferenji buu iigu duurxuliye Wuxuu iigu dudayaaba waa daallinkii lumaye Wuxuu dooni inaan Eebbehay deeqi ii imane

Anna diifta igu taalli waa dacatigoodiiye Daqar iyo dubaaqiyo diliyo daabbad iyo duunyo Dakankeyga maqan baa ka badan digada xoolaade

Cali-Gerina waa doorrannaa duunka ka horow e Dayax buu ahaa iyo shamsada mari dusheennaase Waa dowlad nimankuu Hindigu daabka ku ulayne

Waa dabato nimankii lahaa deero iyo cawle Dawar looma shubo wiilashii damaca waallaaye Daahiyad xun baa lagu jirrabay doog iyo abaare

Adigoo daliilkaas qaboo ciil la duluglaynin Asaanad guuto dabablay ah iyo duullan bixinaynin Miyaa lay dalbaday maaggu waa dowgalkii hore e

Dumarkii Cadmecd buu yiqiin inuu dukhuulaaye Dabar baa Ilaahay ku xiray darab la’aaneedee Doorada ha qubo waa wuxuu doonayuu helaye.

Dulucda

Inkastoo aannu wax badan ku dedaalnay gabayada ujeeddadii loo tiriyey iyo