Gabay Sare

DIINTAAN WADEECA UGA DHIGI

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Haddaan oday wargaafaa noqdiyo, aniga oo wiila Mar haddaanan waayeyn ma jiro, nimaan ka waabshaaye Inaan wiido geel bixiyo, waa waajib ii dhacaye

Walbahaari maayoo Rabbaa, ii wakiila ahe Haddii aanan wax bixineyn, qalbigu iima waasaca e Diintaan wareego uga dhigi, waxadda xoolaade

Wadnahaan ku kala goynayaa, gaalka waafka lehe Wadeeca Alle baan ugu daraa, weled islaameede Wax walba waw huraayaa ninkii, ii walaal noqone

Wayl iyo wax siin wowgu wadi, waaberyiyo fiide Wallaahiye weliidkay kalgacal, kalama weecdeene Warsangeli sidiisaan u geli, waqay abidkeey e

Usaguba wanaag buu ka helay, wuxuun la’aantiiye Hadduu shalay na weeraro, tolnimo lama wadaagneene Wejigaba ma siiyeen sidii, wacal Majeerteene

Iyagaba wax badan baan u weday, qaalmo walacleyne Waayaan dhirta u waabayoo, waaliduu sidaye Oo uu waraabuhu lahaa, waali baad tahaye

Wacadkii haddii ayan furin, wadhi ma raacdeene Waafeerka loolama dhaceen, weyrax iyo ciile Waliidkood la naar kama jarreen, walanqahoodiiye

Awel buu wahaabi u dhashiyo, weled nijaaseede Anna waalli bay ii ahayd, waanadaan iriye Allaylahay sidii reer wax helay, wiif ha laga siiyo

Hana wareegto caydhoodu waa, walashlahoodiiye Iyagaa waleecaad dhigaye, wiida ha hayeene Kugu walacna dhaha reer Barow, Weris karuurkeeda.

Dulucda

Haddaan oday wargaafaa noqdiyo, aniga oo wiila