Gabay Sare

DARAAWIISHTA SAALIXIYA

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Raggii taariikhda Daraawiisheed aqoonta dheer u lahaa waxav wariyeen in boqol nin oo Daraawiish ah ayaa ilaalo ama korjooge loogu diray Galbeed. Degmo degmooyinkaa Galbeed ka mid ah oo geel ka soo dhaceen, iyagoo ugu marmarsiiyoonaya inay haray Daraawiishta geel uga dhaceen. Boqolkii nin oo geelii wata, waddadana soo haya ayaa Reer Dalal helay. Kolkaasay nimankii qoorta ka gureen, meydkoodiina waxay ku gureen ceel la yiraahdo Af Yaraaaddo. Sayidkii haddii loo sheegay raggii in la laayay, isagoo Daraawiish ku guubaabinaya inay duullaan lixaad leh u humaan, doonaayana dagaal wacan inay ka geystaan oo nimanka raggoodii laayay ka xarrago qaataan, ayuu wuxuu yidhi:

Daraawiishta Saalixiya ey, dood aan ku iraahdo Dammiin baan aqoon meelihii, loogu duurxuliye Dacwad gabana yaa iga maqloo, duco san loo yeelay

Kuwii dahabka idin dhaafsadee, dabaqa loo buuxshey Oo daarihii Saaxil iyo, Cadan u duumaysan Aan kula dadba ahayn waryaan, deris xigaal moodin

Dabatoobka Iiddoori waa, idin dagaayaaye Waa daallin Ina-Shixirrigii daamanka xumaaye Ninkii gaal la daawa leh war hooy, diida taladiisa

Daryaankii rasaastii markay, dininigtii yeedhay Ninkii lagu dareensaday inuu, idinka duuflaali Dabbaraare weeyee war yuu, dabin idiin qoolin

Dabci lagama guuroo berrey, didi sidoodiiyee Dooggaa inuu sabbahayiyo, doonahayaa yimiye Dufulahaa arkaysaan war maa, laga digtoonaado

Dabatada inoo timi hadday, derajo soo weydey Deeqaynu siinnaaba waa, ina dambaabsiine War yaan loo dawarin wayagaa, doortay gaalada e

Dagaalkii nasaarada kuwaa, daabaca u qaaday Ee ina duleedshee lahaa, Dir iyo Daaroodba Intaad dunida joogtaan war, yaan duudsi laga yeelin

War yaa duubcaddii garanhayoo, dib u qammuunyaysan War yaa daabbadduu fuuli jirey, darabka saaraaya War yaa duhurka maantaa tolow, ila dareeraaya

Reer Dalal war yaa doonaayoo, duullan bixinaaya Dad iyo duunyo yaa reer Subayr, damug ka siinaaya Yaa diinta Eebbiyo sharciga, diriray oo raacay

Dakankii maqnaa yaa lahaa, sow la deyi maayo? Sow danabbaddeennii la dilay, loo dub nixi maayo? Ma dameer la raray baynu nahay, didiba sow mahayno?

Yey dani ka haysaa raggii, Doollo lagu laayay? Nimankii deldelay waafir, sow loogu dudi maayo Duddihii Xirsiyahaa , ma waan loo danqanahaynin?

Sow degaha Haaruun ma degin, ceelkii Daratoole ? Dannood sow Guurraasiyo Iljeex , deero kuma foofin? Sow daahirkii Aw-Cabbaas , deyn ku maqan maaha?

Dayrtiyo diraacdaba ma waan, la is dul tagaynin Dunjigiis Ogaadeen ma waan, diiq la gelinaynin Dooyada ma waan lagu simayn, Adari daanteeda

Dooxanaha tiirka leh ma waan, dhiig ka da’ahaynin Waraabaha dalombiyi ma waan, darib la siinaynin Ma waan lagu dabraynayn, rag waa kii dedaal badane

Maxaa loo dingiigaa, maxaa dadabta loo seexan? Dugsiyada maxaa loo hurdaa, dacas ka qaadooyin? Sow kuma deddootaan ilmada, dilliqlaynaysa?

War yaa dumarka aad guursateen, sow dumaal ma aha Daa’iman agoomeedna sow, daaha kama buuxdo? Sow kuma deddootaan ilmada, dilliqnaynaysa?

Duujada la soo naqahayiyo, danaf naloo keenay Iyagaaba diifta aan qabo, iiga sii darane War yaa sow dubaaqadda galbeed, idin ma doogayso

War yaa sow dariiqada run iyo, daacad uma joogno? Sow derajo aakhiro waxaa, loo digriyi maaha? War yaa inaa dareentaan Ilaah, deeqii waa badane?

War yaan sida dugaaggii Eebbahay, doorin dhogortiine? Daanyeer sidiis yaan Ilaah, idin daldaalyeyne War yaa maa is dooxdaan caraa, lala dillaacaaye?!

Dulucda

Raggii taariikhda Daraawiisheed aqoonta dheer u lahaa waxav wariyeen in boqol