Gabay Sare

DARAAWIISH GUFLEYSOY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Beri baa waxaa Daraawiish ku soo duulay guuto bari iyo boqor Cismaan ka soo ambabaxday, waxay dhaceen geel tiro badan oo la oron jiray, Miinaale. Sayid Maxamad usagoo Daraawiishta geela raad-raaci lahayd la ballamaya ayuu mariyey masafo gaaban. Waxaa ka muuqata - masafadu inay dheerrayd, hase yeeshee, wax intaas dhaafiya ma aannaan helin, raggii aqoonta u lahaana waa ay le’deen. Sayidka ballantiisii waxay ahayd:

Daraawiish gulfaasay, gabay baan ku sii fari …, gudoodiga habeenkii Goodkiyo abeesyada, waxba idinma gaaraan Cudhii Dharrooreed , mar haddaad gayootaan Gabannada Cismaan dhalay, gabanna ha ka imannina Matukade gardaadkiyo, gadhka iiga soo jara Gadac iyo raggiisii, gowsaha ka soo gura Gadhcas iyo gareentiyo, gunta Cali Jibraahiil Geel waxay lahaayeen, gacmahiinna buuxsada Waxay guuyo haystaanna, gunta uga soo jara Gumeysihii Cali, haydin daba gucleeyeen…

Dulucda

Beri baa waxaa Daraawiish ku soo duulay guuto bari iyo boqor Cismaan ka soo