Gabay Sare

DACWAD BAAN KA LEEYAHAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysigii Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish, wuxuuna ku yiri “Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray, taliska Ingiriisku wuxuu Daraawiish weydiisanayaa saddex hal: Midda koowaad geelii Daboolane ee Daraawiishi degmada Habaryoonis ka dhacday inaad wuxuun ka soo celisaan. Tan labaad nimanka dabatada ah, oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey, col iyo gaaddeba inaad naga celisaan. Tan saddexaad, Warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhex maray, waxayna doorteen raaciyadda Ingiriiska inay noqdaan, marka u yeeridda aad Daraawiish ugu yeeraysaan ka daaya. Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan, danina waa seeto e, waxay yiraahdeen: “Ingiiriisow saddexda arrinba waan yeelaynaa, ee idinna laba hal noo yeela: Midda hore, xoolihii Daraawiish looga dhacay meesha la yiraahdo Caado ee dabadeedna Burco la keenay soo celiya. Midda labaad, doonnidii aannu dabka u dirsannay, Ciise Dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qatfaalateen, iyadii iyo wixii saarnaaba noo soo celiya oo aan sidaas wax isku weydaarsanno. Dooddaas Daraawiishi Ingiriisku waa ku gacan sayray, wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtay: “Xoolihii Caado laga qaaday, Ogaadeen baa dhacay, Ogaadeenna waa haad amxaaro. Doonnidana Talyaani baa qafaashay, Talyaanina qareen uma nihin. Labadaa doodood ee dambe ee Inginisku soo jeediyay Daraawiishi ma garaysan, Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddeynayo in Ingiriisku musuqmaasuq wado ayuu mariyey. Wuxuuna yiri:

Ogaadeen ha ii dirin, dacwad baan ka leeyahay Duul haad amxaaraa, kaa dooni maayee Wuxuu aniga iga dilay, diyo ha iga siinnine

Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe Amba waan ku daba geli, dakanka iyo qaanke Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe

Waxaan kaa dalbahayaa, duunkaagu wuxuu qabo Intaad dowladduu tahay, adigaw damiinehe Ma waad diidi nimankaad, dumataye i soo dhacay

May kor u dabbaalaan, waxay naga dadduubeen? May dowga Caadood , galbeed uga dareershaan? Dalkaad adigu joogtiyo, Burca maxay ka dooneen?

Dar Alliyo heshiis iyo, ma daawad lahaydeen? Mase waa dayoobeen, doqon baa habowdee? Dabadeedna sow maalkii, dacalkaaga kuma shuban?

Sow daabacaagiyo, daftarkaaga kuma qoran? Sow duhur dharaareed, dibnahaaga kama qiran? Sow sida dameer raran, dusha kaama fuushana?

Miyaan duudsiyaayaa, kulaan Dabacayuun helo? Haddaad daacad ii tahay, doodaye maxaad oran? Dafir miyuu wax kuu tari, daliilkii ku siiyaye?

Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay War waxaad durduradiyo, dan la’aantaa ugu dhiman? Hadal aan dawo lahayn, sow kama diqootaan?

Dakhalkiyo shiraaciyo, badda yaa u dowlada? Talyan waa dadkaagiyo, daayiciin aad wadataa Haddii aadan duqlaalayn, Dannood sooma aadeen

Diraac Doolo iyo Ciid , duullan kuma yimmaadeen Diingaanyo ciidana, darka nooma keeneen Dildillaaca waaberi, weerar naguma daacsheen

Durqun nama dhexjoogine, adaa hiil ka daalibay Adigaa durraamiyo, docogaysi ula tegey Adaa yiri Daraawiish, dirirteeda ii raac

Asna diradirayntaadaa, iga deyso kuma oran Intaad dacatiyeysana, sow kulama daalayn? Sow dad iyo xooliyo, daabbad kuguma caawinin?

Sow daraaddii kuma iman, Hobyo wixii ka soo degay Sow duubcaddeydii , raggii dooxay ma ahayn? War nin shalay dammiinyahow, igu dilay daraaddaa

Berri haddaynu dirirrana, dusha iga wareentayn Daawadayda maahayn, ma ku dayrsamaayaa? Durrufleyda gaalaad, adaa daaqsanaayee

Miyaan kala deyaayaa, adiga iyo deriskaa Warsangeli doc uga bayr, dacwad baan ka leeyahay Mar hadday ku doortaan, isku dirad miihine

Dabcigaygu ma oggola, nin kuu daalisaayee Daraawiish hadduu yahay, sidee doc uga leexdaa? War Daarood Ismaaciil, dir miyaad wadaagtaan?

Durriyaddii adoogay miyaad, iigu duurxuli? Sow deero iyo cawl, dorraad adigu kama dhigin? Sow dukaamadoodii, daarahaaga kuma guran

Sow doonyahoodii, dookhaan naara kuma ridin? Sow dooro weynow, ma deldelin raggoodii? Inay kuu dudaayaan, sow maba dareensanid?

Inaadan dooc lillaynayn, diyaar kuu ogaadee Dikrigiyo shareecada, labadaad ka duudiye! Durdurkii firdowsiyo, jannadaad ka daahiye!

Durbaddii cadaabkiyo, dukhaankii baad ku tuuriye! War inaad degaysana, sow dareemi maayaan? Ma ku diimanayaan, deel qaafkan aad tiri?

Dumarkii ma furayaan, xilihii dalaaqee? Geela soo dareerina, dowcad baan ka leeyahay Anigiba dunqaariyo, ducataa i gaaraye

Dibirrootigaagaa, lawyaha i diiriye Qayradii daruurrayd, adaa damug ka siiyaye Dulbixii Gallaadiyo , dudmaa ii horeysaye

Daa’imaan wa xagarannine, digniin iima laabnee Dabarka Ciise lagu xiray, anaa laygu dooniye Degdeg haddaan looga furin, dunidaa ifsaadiye

Dantay baan la yeeraye, yaan laygu diimine Deeqi igama juustee, wax ma kala dillaallaa? Oo wixii inoo dana, durba ma isu yaallaa?

Mase ways daboolnaa, nin dulmiyana Allaa oge?! Dabatada aad sheegatana, dawcad baan ka leeyahay Adigaa dulleeyoo, duunyada ka qadoo

Adaa degalladoodii, digaxaarka mariyoo Adaa deeblahoodii, daabaqad ku jiidaye Diinkiyo dugaaggiyo, adaa duufka siiyaye

Intaasoo darxumadaa, adigaa u diiqaye Hadday daqaqaamaanoo, wuxuun ka danqaabaan Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan

Iyagaba dan gaajiyo, diihaal baa u geeye Anna haygu diga gubin, adiguna dan haw gelin Dayib haddaadan oranayn, dayuubtaan ku leeyahay

Oo daxorayaashiina, been kugu dakhaakhuli Bal inaan dugsuu ahay, amaan idinku soo diray Haddii aadan danbaabayn, daahir marag ah soo taag!

Dulucda

Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysigii Ingiriisku warqad u