Gabay Sare

DAAWAD

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Daraawiish alabkeedu wuxuu ahaa meeshii lagama marmaan ah, oo xoolaha u fiican ama oof ah oo cadow ka soo geli karin inay qalcad ka dhisaan, ciidan xoog lehna lagu jaado. Qalcaddii Daawad oo Ayl ka dhisnayd, Daraawiishina si gaara u fiirin jirtay. ayaa waxaa madax looga dhigay Darwiishka la oron jiray Dhowre. Haddaba nin madax ah oo ciidan wata ayaa qalcadaha loo diri jiray si uu u soo eego waxay ku sugan yihiin, ololoheeda iyo feejignaantooda. Ismaaciil Mire oo rag wata ayaa Sayidku jeer u diray qalcaddii Daawad. Hadduu tegay oo indha-indheeyay meeshii waa uu u bogi waayay, wuxuuna arkay ceelkii qalcadda ku yaallay oo aan hagaagsanayn, xaabada habeenkii la shito oo aan badnayn iyo xoolihii oo aan deyrku u adkayn. Dhowre wuxuu ka baqay inuu Ismaaciil Mire war xun ka geeyo oo dabadeed la xujeeyo, markaasuu Ismaaciil gabaygan sii faray oo wuxuu yiri:

Ismaaciil adaan daayinkaa, diinta laayicine Markuu waagu daalaco adaa, dowga sii mariye Dacwaddaan ku faro iiga gee, daahirkii weliga

Ha daayicin walaalow adaa, kheyrku kuu duxiye Daraawiishta qeybsii intaad, daacad ugu sheegto Duca waalid waa qabi jirtee, dalidhac haw yeelin Daar nimaan lahayn baa digniin, dani ka haysaaye Darajaale aabbahay haduu, Daawad nagu jaaday Dooyada intaan galay miyaan, libin ku daanshooday Hadduu dooraneynoow kufrigu, duullan soo bixiyo Oo daarta Ayl yimi haddaan, haad ku dulufaaqin Allaylahe afkaan soo dirsaday, waa daleel maran dheh!

Markii Sayidku Ismaaciil gabaygaa u keenay, ayuu Sayidkuna isagoo Dhawre la hadlaaya wuxuu yiri:

Dhowroow dabuubtii aad tiri, duca qab ii keenye Darwiishkina sheegyoo, ma qarin dacwaddaadiiyee Hadalkii uu kaasoo damminay, diirka ka caddeeye Dadku maqal dibnaa inaad ka liri, gaal cad baan diliye Anna waan ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoow e Maandhoow dedaal yaadan noqon, daaduf been badane Hadduu dooraweynoow kufrigu, duullan soo bixiyo Oo soo dareersho wixii, Dir iyo Daarooda Maandhoow dan haw gelin, fulaa sii dabayshada e Dogobta iyo xaabadana guro, duquskanuu dhaanso Durdurkana ha xaalaysanine, dararso laaskaaga Duunyadana deyr adag u dhigo, yaanay kaa didine Maandhoow ninkii dowladaa, kuu dagaallama e Kuwii dumiyay Ilig waa, waxaan daahir loo dhaline Maandhoow Daawad yuu inaka gelin, cadaw ku soo doontay Maandhoow derbaan kuu dhisaye, dibedda haw boodin Dabka hayska lumin, dowyo kaa ridine Daartana ha bixin daaynkaa, duni intaad joogto.

Dulucda

Daraawiish alabkeedu wuxuu ahaa meeshii lagama marmaan ah, oo xoolaha u