Gabay Sare

CAWSKII NUGAALEED KA BADAN

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Goobtii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jebiyey markay dhacday ka dib ayaa waxaa usagoo Daraawiish ku diganaya gabay u soo mariyey, Kaarshe Guuleed Niiqle oo Kaarshe-Salliiq lagu naynaasi jiray. Gabaygan oo aannu mar labaad ku soo sheegi doonno xarafka qaafka ayuu Kaarshe tiriyey:

Daraawiishta qooqani markay nagu qamaamaysay Maw qarinnay maadhiin qacliyo qabar aan loo sheegin Maw qubatay sida roob guyoo yare qayoodaaya Qudha kalama yaabine dagaal qiraleh maw keennay!

Inkastoo Sayidku gabaygaas jawaab ku habboon ka celiyay, haddana Daraawiishi waxay ku dadaashay ninka Daraawiish ku digtay in la dilo isaga iyo walaalkiis oo la oron jiray Xirsi Gardarro. Kaarshe-Salliiq iyo Xirsi-Gardarro, waxay ahaayeen laba nin oo walaalo ah, waxaa la oron jiray ilmo Guuleed Niiqle. Waxay ahaayeen laba nin oo af iyo addinba Daraawiish far dheeraatay ku noqotay, rag badan bay ka laaycen, xoolana way ka dhaceen. Col Daraawiish ah ayaa maalin degmadoodii galay, hase ahaatee inkastoo Xirsi la sigay, haddana maalintaa lama dilin, kolkaasaa Sayidku nimankii colka madaxda u ahaa u jeediyay canaan guubaabo ah, oo wuxuu mariyay gabaygan gaaban:

Xirsigii candhada reer lahaa, caaqa inankiisa Ee cuurarkeenni qirtee, ciiska weyn geliyey Cidla aniga oo shalay ka helay, ma anan caynsheene

Caqlilaawayaaalow tolnimo, kuma ciseeyeene Caarkiyo xiniinyaha magliga, kalama ceeseenee Hilibkiisa waa cuni lahaa, caadaqaataha e

Maantaan caddaaddiyo anoo, canuga oo wiila Cawskii Nugaaleed ka badan, caalinkuu dilaye Ma colbaad ahaydeen ragguu, ciirada u laayey

Nimaan ciilba qabin baa I diley, calaf-u-doonkiise Casho keliya aad maqantahaa, cadad ku dhaafaane Cadowgay ha jabo ee kobtii, Caliyo maan joogo!

Dulucda

Goobtii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jebiyey markay dhacday ka dib ayaa waxaa