CARA E YAA SHEEGA!
Xaaji Goonni oo gabyaa caana ahaa, jeerkaasna ka mid ahaa dadkii Hobyo looga talinaayey, ayaa gabay halxiraale ah oo ulajeeddadiisu tahay inuu Sayid Maxamad ku caraadiyo mariyey, waxaa gabaygiisa ka mid ahaa:
Rag cayaayir iyo maanso waa camaladdiisiiye Caynaanka anigow hayiyo celiyihiisiiye Kol haddaan callaqo looma furo cagaha dheeldheele
Lix iyo toban halaan soo cayimay caynka ka hijaadsha Weel caanihii laga dhamee canuggu heemaarshay Oo ciidda loo dhigay afkii laga casheynaayey
Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajabe sheega! Ceesaama kuu dhalahayaan dhiilo loo culannin Oo naaso cayntood lahayn waa cajabe sheega!
Cariish meel ku yaal oo aroos loo calaamadiyey Oo aadan cimrigii daawanayn waa cajabe sheega! Ceel buuxa aan laga cabbayn cidina kuu diidin
Oo maaxi caaddaa ka tahay calawna keenaaya Oo maalka calaf looga shubin waa cajabe sheega! Calaf aan laguu qorin asaad cuni aroor noolba
Aan caato iyo gaajo bi’in cawro waysaga e Oo aanad cayaar uga dhergeyn waa cajabe sheega! Cad baruur leh caysh iyo bariis caawa lagu siiyey
Aad caafimaad iyo kalgacal calaliso laysay Oo aadan cawaysimi karayn waa cajabe sheega! Caal weyn lo’aad iyo libaax, caranayoo jooga
Oo xero ciriiriya ku jira caabuqna is yeelin Aan xoola looga cabsanayn waa cajabe sheega! Waxaad cuni asaan Eebbahay kaaga calaf yeelin
Oo aadan eayaar kaga dhergayn waa cajabe sheega! Cir onkodey hillaac laga cabsaday karar cabaadaysa Oo rays cirbaha laga dhigayn waa cajabe sheega!
Waxaan caaradhuubyadu dhex marin calalna jeexaaya Aan ciiska waran lagu karayn waa cajabe sheega! Caqid naagaan lagu guursanoo cawda kuu gogosha
Oo aadan cadaab kaga baqayn waa cajabe sheega! Caday waxaad ku laysiyo ulaad caro u soo tuurtay Oo aadan dad kaga ciil baxayn waa cajabe sheega!
Cawshiyo biciidkaa arlada cararayee jooga In kastoo ciriid iyo kulayl lagu cisaareeyo Calooshooda oon lama gashee waa cajabe sheega!
Taa dabadeed Sayid Maxamad intuu gabaygii wada furay ayuu isagiina u diray gabay kiisa ka badan oo hal xiraale ah. Gabaygan waxaa ka buuxa murti iyo xikmad aan qiyaas lahayn oo qof walba u jiideysa inuu wax badan ku fakaro, wuxuuna Sayidku yiri:
Nimanyahow ciraab laguma kaco, curuf la’aaneede Cod xiraala oo wada cajaba, cayn aan ka higaadsho Wax cadoo madow baan arkee, cara e yaa sheega?
Shabeel caar leh caysuun dhurwaa halaq cammuudaasa Aar coofle oo cararayaan, la carbiyeynin Oo aan wax cunin baan arkee, cara e yaa sheega?
Cad baruur aan laga goynin oo, caata weligiis ah Oon gool caddun badan la siin, ciniqna dheereeya Caynkaasna anigaa arkaa, cara e yaa sheega?
Dibi caynaboo gabar casoo, cuurrin lagu qaaday Oo ruux sandaasha u cuskan yahay, cimilna loo dhaabay Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Wan cafuufanoo doobbir wado, madaxna caal haysto Geesoole ido caymiyey oo, caadda kaga jooga Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Ceesaan aan riyi foolan oon, caana ari nuugin Dibqallooc nin coobbaha hayoo, cunaha jiidaaya Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Tuke maarre ciiro u sitoo, col u dareeraaya Quraanyo canateel laga dhacoo, cuudka daba joog Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Waxa caanataynkiyo ka fudud, caaradiyo baalka Culaysna loogu go’ay oo nafluu, caajis la ahaaday Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega!
Xiddigaha cishiga oo barkood, cuni sabuul beera Deel caana oo lagu callaqay, cur iyo faynuusyo Caynkaana anigaa arkee, care e yaa sheega?
Wax cadceedda aan joogsanayn, cadar hadduu waayo Oo aan cirrid iyo kulayl, cawrka gelihaynin Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Wax calahaa ka dheer baa jiroon, cidi ka gaabnayne Ciribdhiibsi kuma gaari karo, cududaheennaase Caynnkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Carrab aan hadlayn maalitaan, shani u ciidaneynin Cashaduu wax fuulana kalaan, carafle keenaaya Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Jinac doobi culan oo sitoo, lo’ u carraabaaya Dooryaan cishaha guurayoo, cido ku weydiiya Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Dabagaalle neef curahayoo, nadi ku caaryeeyey Caynaan bakayle iyo jiir, lagu cidaalaayo Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Wiyil ciriqsan oo aan lahayn, camalkii loo uumay Qalanja aan caroonayn haddaad, cagaha saarayso Oo aan cid dhibin baan arkee, cara e yaa sheega?
Addoon cayney doontaba dhashoo, laba caloolood leh Oo caaradhuubyada la dari, caana galaheeda Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Caskar ulo leh oo geed cumbulan, gobolba coon joogo Nin qaansooyin meel lagu cafiday, taagan cirifkooda Oo qool cuddinayaan arkee, cara e yaa sheega?
Wax hunguri ku cawreysan oo, cir iyo diihaal leh Oo aan cantuugana liqayn, calafna doonaaya Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega!
Wax dunida caalin u ah oon, cidi khilaafaynin Oo cabuudkiyo caasiguba, wada cisaynayo Aan calalna oogada ku hayn, cara e yaa sheega!
Cawadii waxaan kaa tegayn, cadawna kaa eegin Oo waaga ka cararayoo, ku cid la’aynaaya Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?
Caqli waxaan lahayn oo ka dhigan, caamo iyo naago Aan cimiirkood la arag, coduu la yeeraayo Misna kuu cimreyn baan arkee, cara e yaa sheega?
Weel caanihii laga dhamoo, cunuggu heemaarshay Oo ciidda loo dhigay afkii, laga cashaynaayey Oo dhay caaddaa ka tahay, waa cajab Ilaahe!
Cid haddaad u baantee na tiri, cara e yaa sheega? Candho weeye oo waa naqaan, caynka ay tahaye Adse haddaad ciniin tahay maxaa, canuggu kaa dheefi?
Onkod iyo hillaac laga cabnadiyo, karar cabaadaaya Iyagaa calaamiyo lahaa, ciiro iyo qiiqe Waa maarahaan kugu cuskaday, diriti Cawbaare
Cuurkii tolkaa maalintaan, caro u leynaayey Dhiiggii carrada qooyey waa, cadar di’iisiiye Maxaadsaad u tiri rays cagtiyo, cirib ma aan saarin
Ceesaama kuu dhalahayoon, dhiilo loo culanin Oo dhay casuus iyo garoor, carafle waaweynin Oo naaso coobbaa lahayn, waa cod aan jirine
Cayn kaa waxaad mooddey waa, calafkii beereede Abidkood riya caata ay, guni ciseysaaye War ceesaan ma way tahay maxaa, calagga kaa yeelay?
Majeerteen dhilliyo ceebi waa, camalladdiisiiye Cambuulaha dhirtaa bay yiraan, waa cariish aqale Waa cimil shimbiri qoolatee, curis miyuu mooday?
Dulucda
Xaaji Goonni oo gabyaa caana ahaa, jeerkaasna ka mid ahaa dadkii Hobyo looga