Gabay Sare

CANJEEL

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Heshiiskii Ilig lagu kala qortay ka dib ayaa Ingiriisku wuxuu isku dayay inuu Daraawiish qalaanqal iyo xumaan ka dhex abuuro si ay u kala firdhaan. Xirribtii iyo xeeladdii waxay tustay inuu xagga diinta ka galo, sidaa daraadeed buu ururiyay niman wadaaddo ku-sheeg ah oo isaga raacsanaa, afkana wuxuu u geshay inay Shiikh Maxamad Saalax oo Sayidka shiikhiisa ahaa, ka gowriyaan ama ku dacweeyaan, wadaaddadiina taa way oggolaadeen. Ingiriisku markab ayuu ku qaaday oo wuxuu geeyay Maka iyagoo ku marmarsiyoonayay inay xajkii gudanayaan. Dabadeed Shiikh Maxamad Saalax bay u tageen oo waxay u sheegeen waxaan jirin iyagoo Sayid Maxamad cambaaraynaysa. Shiikh Maxamad Saalax taa run uma qaadan. Dhowr toddobaad haddii xaajadii laga doodayey waxay oggoleysiiyeen inuu Sayidka xaashi aan ceeb lahayn oo waano ah u diro. Hase yeeshee, karraanigiisii ayey xeelad iyo xirrib u yeesheen si uu u qoro xaashi Sayid Maxamad cambaaraynaysa, wuxuu ku kacayana ceebeynaysa. Inkastoo ay adduun badan bixiyeen taasi way u ahaatay oo waa u meel mertay wadaaddadii. Xaashidii markii Ingiriiska loo keenayna wuu badiyay, ceebta Daraawiisheedna wuu faafiyay, xaashidaa nuqul ka mid ah ayaa xaruntii Daraawiisheed soo gaadhay, lama qarin ee dad oo dhan baa loo akhriyay, waana loo sheegay. Dabadeedna, hadalkaa beenta ah niman baa run mooday iyagoo moog in qooladdaan iyo xeeladdaan Ingiriis maammulay. Niman dhowr boqol ah ayaa faqay oo waxay ku tashadeen xarunta inay af-gembi ka tuuraan, hase ahaatee uma hir gelin. Markii la ogaaday sirtay damacsanaayeen, wixii ku habboonaana la qabtay, wax la dilay iyo wax la dayriyey iyo wax duubkii Daraawiishnimo laga qaaday ayaa laga dhigay. Sayidkuna gabaygan ayuu tiriyay. Taasna waxaa loo yaqaan “Canjeeltala-waa”. Gabaygii Sayidku mariyey wuxuu ahaa:

War Suudoow sedkaa waa jannee, samac kalaankeyga Salaama Alla yeelyow adaan, saakin kuu ahaye Sowdkaan ku leeyahayna yuu, salabka kaa raacin

Sonkor iyo sarreen malable iyo, sixin ku iidaaman Xeeryaha sanuunadan barnida, lagu sibbaakhaayo Sulux caana geel Sogob la qalay, sarara geedeysan

Sareedada raggii aan u waday, saadka iyo quudka Saqda dhexe habeenkii raggaan, saha u geynaayay Kuwii aan sabbaaraay ay baa, saatan ii galaye

Salaaddiinta nimankaan qoree, sare u qaadaayay Raggii sidigta geela hayayoo, suuska beeganayay Nimankaan siday doonayaan, sahal u yeelaayay

Nimakaan sariira u dhisee, soohdinta u jeexay Surradda iyo dadabtii raggaan, saari ugu gooday Gabdho wada saruurada raggaan, sowjad uga yeelay

Nimankaan salaaxanahayee, saxar ka eegaayay Nimankaan siraayada col iyo, saha ka dhowraayay Nimankaan saqiir iyo kabiir, sama u miiraayay

Sidka boqola soof badan raggaan, wari uga yeelay Soogaan darmaan iyo raggaan, salabaduu dhiibay Nimankaan sangootida fardaa, siiya oronaayay

Raggaan sumaca maawdhiina iyo, saannadda u buuxshay Nimankaan salaaddiyo u dhigay, subacyadii diinta Sallallaahu Nebigii raggaan, saamax uga doonay

Nimankaan sokeeyaha bidiyo, siiro iyo aammin Sarsarkooda nimankaan degiyo, suuqa gurigooda Saxariiraday igu faleen, waa sahwiyayaaye

Nimanyahow si daran baa, qalbigu ii saddamayaaye Sokeeyiyo xigaalaanan sugin, saaca maantaaye Soomaaliyoo idili way, sun iyo daybaaqe

Sullankood la naar gun iyo, saaruqyay helaye Sinjidhaannaddii bay khatalay, saanjiga ahaaye Oo waa seeddiyaashay wexeer, saatan ii galaye

Saro nama dhex ool Faaraxii seerigii xulaye Iblays baa sallaan kala degoo, saaxilkuu diraye Sucdi haddii uu leeyahay, kufrigu uma sujuudeene

Sakal lagu rid reer Samatar Khalaf, seega taladiiye Subeerray noqdeen wiilashaan, saakullayn jiraye Kolkaan anigu saafi u noqday, sir ila dooneene

Sankuneefle oo idil, way i saa’ilahayaaye Nin kaleba salaaf ha ila galo, sarada ceebeede Sugi maynin Qoriyow inuu, suuqyo ii tumane

Sakaar waxaan ugooyiyo waxaan, uma u daadshaaba Axmed-Fiqi jawaab kagama helin, sadaqadaydiiye Sannahaabadiisaanan abid, kari hayne

Saniciisa baas iyo hadduu, saxalku ii keenay Subaac qooqan baa iigu yimid, sabada ciideede Inuu ferenji ii soo sawiray, waw su’aal qabaye

Subbeehigu wuxuu igu khatalay, saahid baan ahaye Safiihnimadu waatuu dorraad, gaal u saacidaye Soddon jeer ka badan ceeb intuu, saancaddu falaye

Markaan sebi ahaa iyo haddaan, suurad oday yeeshay Saamaa Ilaah iiga dhigay, saaxir ii colahe Saaxiibkii aan yeeshaaba, waa saymo lagu reebye

Mar haddaanuu sabankeer nafluhu, saafi noqonaynin Waxba yaanan sida saar nin qaba, salalin goorteere Ilaahow adaan kuu samree, suubi taladayda.

Dulucda

Heshiiskii Ilig lagu kala qortay ka dib ayaa Ingiriisku wuxuu isku dayay inuu