CALIYOW CALAACAL IYO WAY
Sida ragga taariikhda aqoonta u leh, warkoodana lagu kalsoon yahay laga wariyay, Cali Aadan oo loo yiqiin Calidhuux, wuxuu ka mid ahaa raggii Daraawiish ka fakaday dabadeedna dagaal kala horjeestay oo colaad weyn u qaaday. Dagaalladiisana waxaa ugu weynaa gabay uu Sayidka iyo Daraawiish u mariyey isagoo isku diraaya, ama kala kaxaynaaya Daraawiishta oo dhexdooda xumaan ku abuuraya si ay u kala yaacaan. In kastoo ay gabayada Calidhuux mariyay badnaayeen bal aan ka soo qaadno gabaygii ugu darnaa isagoo Sayidka ka xumaan sheegaya Daraawiishna ku guubaabinaya inay xarunta isaga tagaan, kuna faanaya meesha uu tagay oo Berbera ahayd. Wuxuuna Calidhuux yiri:
Ninkii weligii diintii bannaan, daacad uga sheega Dariiqii Rasuulkii ninkii, diirka uga qaada Daw kulama soo baxo cilmiye, waa la diriraaye
Doofaarraduu wadan jiruu, dila yiraahdaaye Iyaguna markaasay ku didi, diidi mahayaane Bal in meesha lagu doorsan yahay, waxu dalilkiiya
Duqaydii badnayd ee ku lumay, duudsi iyo jeedal Dammanaanshahaa reer tolkay, loogu daw galye Sidii bay u dabaroorayaan, daallinkii rogaye
Doox iyo hadday nala degaan, degalka Buuhoodle Waxaan lagu durdurin Eebbahay, uma darraadeene Sidii dumar dagaal iyo afxumo, uma dul qaateene
Diyaar uma hadlaan wiilashii, dowladda ahaaye Hadday deris wadaagaan nin kale, dacal ma waayeene Alla may iskaga soo durkaan, deris ma laayeene
Daaroodka ay wada dhasheen, diriyo baabkiisa Daymadii Ilaah Maxamad-Dage, nooga derejeeye Kuwa weli ku debandeebayaan, duxi ka raacayne
U digay oo u digay oo duulka waa, loo dan leeyahaye Haddaan anigu daar dheer ka koray, oo daf iri Saaxil Iyaba doorte daayeer gar cuna, kii dulleyn jiraye Dabada hayska raacshee, bal maan deysto hadalkayga!
Sayid Maxamad wuxuu ahaa aftahan aan hadal lagu gaarin, afmaal laga badin, qob iyo qaddana ku darsaday, isagoo Calidhuux u jawaabaya wuxuu yiri:
Caliyow Wuxuu la hadlayaa Calidhuux. calaacal iyo way, ciil ma bi’iyaane Weligaa catow baad taqaan, sida carruureede Waad uun cabaaddaa sidii, caamadoo kale e
Caqli haddaad leedahay wax baa, la citibaarshaaye Cindigaa wax laga fiiriyaa, caynka ay noqone Cudha laguma soo dhego waxaan, kuu cuntamihayne
Kaarshaa Wuxuu ujeedaa Kaarshe Guuleed Niqle (Salliiq). cirriddii ku lumay, caasiga ahaaye Isaguba cagtii hore ma qabin, col iyo laayaane Markuu cayda noo soo diraa, cuur ku soo dumaye
Adiguna nin cayryoona oo, caariyaad tahaye Cilciluhu wuxuu kuugu dumay, cirir shareer weyne Aar soo cargaagtama hayaad, did u huruddaaye
Wax caraada caaqyahow ninkii, didan kuu heeliye Mar hadduu cashiir laawe yahay, waa calaan jabane Cabeeb buu ku tarayaa waxaad, cululubaysaaye
Waadigaa cidoodaye haddaad, goraya cawlowdo Ceelkii Dannood Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey. iyo haddaad, Caada Waxay ka mid tahay ballida Haraxagarray. kor u dhaafto Carshintaada waa kuugu iman, meesha iyo Ceege
Waa lagu camaadaye wed baa, cawga kuu yimide Cuqlaa adiga kuu baxay haddaan, kuu curraftamaye Haddaad cararto ceeriga badeed, yaa ku soo celine
Ingiriis cadaabkaan ku dhigay, ima cilleeyeene Cawar iyo wuxuu garanhayaa, cuurarkaan jaraye Wuxuu haatan caw iigu dhigi, caaqibaad heliye
Cabdulle iyo Subayr Maxamad baan, igu cayaareene Waa ciiradaan dhigay waxay, igu ciseeyeene Caawimada waxa ii wada, waa ciddii Dalale
Majeerteen canshuur baan ku qoray, curaddadiisiiye Waa camaradii Nuur Cismaan Nuur Cismaan Yuusuf. , caydhan suudaliye Cimiil wuxuu lahaa Keenadiid Suldaan Yuusuf Maxamuud oo Hobyo u talin jiray. , cuud ma foofsado e
Ma kala cayshno oo uunku ways, camal yaqaannaye Cajabayey dadkii waxaan ku nacay, waa ciraab li’iye Waxa ila cilaaqtamiba waa, ina Cawiifeede Wuxuu ula jeedaa Calidhuux.
Coontii waraabaha cayilay, camashka daaqayey Oo ay cinaab uga riddee, caraso ooyaysey Waa ninkii cidlada nooga tegey, cawro waysaga e
Cidla ciirsilaad waxa u kaca, dahad caloolweyne Waa ninkii cayuuntooba dhaqan, caacis dhaafsadaye Waa ninkii sidii reer Canjeel Wuxuu ula jeedaa nimankii shirqoolkii Canjeel-talawaa dhigay. , caanihii qubaye
Cuquubiyo nabsigu waa waxaan, cirib kaa reebayne Waa ninkii cishaba naga gudee, cayn ka dhaadhacaye Waa ninkii tolkiis oo cammiran, cayrshay oo rogaye
Bal hadduusan caatuba lahayn, calalna waa maare Oo uusan caynteeyna gudin, Cadan haddaad geyso Bal muxuu ku calalaafi waa, caalle dooro lehe!
Dulucda
Sida ragga taariikhda aqoonta u leh, warkoodana lagu kalsoon yahay laga