Gabay Sare

CALI XAAJI AXMED

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Hadalkii Cali Xaaji oo ahaa “Fardaha rasaasta ka qabta!” hadii Sayidka loo geeyay ayuu mariyey gabaygan oo wuxuu yiri:

Caliyow habaaskii inaad, hadaftay lay sheegye Hadalkaagu siduu noogu yimid, waa hagoognahaye Waa kuu hundhuraayaa siduu, hooggu kuu maraye

Hadda aynu joogniyo intii, horay ka aamiina Abidkood dagaal ma hargadaan, haybta aan nahaye Adigaa hinjiga noo wada ee, haaligyaan nahaye

Hulqe aabbahaa baa ahaa, hogoshki dheeraaye Waa wuxuu Hubeyr ugu fakaday, Haarriyaan dhicine Maxaa habarwadaaggay ka dhigay, haadka cararaaya?

Dulucda

Hadalkii Cali Xaaji oo ahaa “Fardaha rasaasta ka qabta!” hadii Sayidka loo