CALI-GERI ABOODIGA KU LALAY
Markuu gembigii iyo jihaadkii galay degmooyinkii faraha badnaa ee Ciid iyo Hawd fadhiyi jirey oo tuurihii geela lagu dhaqaalayn jirey cidla iyo waaqla noqdeen, ayaa Sayidkii ka tiiraanyoodey, dabadeedna gabey buu mariyey, wuxuuna ku tilmaamay sida dhulkaasi jeer hore ahaan jirey iyo siduu maalintaa ahaa.
Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara. Iliilaha bannaan iyo intii, edegga ciideeda Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanaha u badan. Axad kagama sii harin wixii, uduba oo yiile
Caligeri aboodig ku lalay, abax ka sooryooye Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, araxya weyntiiye
Ifku kama balbalo tuurihii, oollinka ahaaye Meeshuu aboornimo fadhiyey, laga alaab qaadye
Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane Uma ooho geeyaan markii, aarankii lumo e Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayane
Eegida horjooguhu cishaha, sooma oriyaane Xeryo gaallo la isaga ag dhigay, uma adkeeyaane Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane
Ibdarta iyo dhowtada ratiban, ugar ma siiyaane Ardaayada golaa kala rogrogan, uma asteeyaane Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane
Aarsaydha oonyaha gudgude, ubuc dugaag jeexa Ilka horror abeesada qallici, halaq uraa leeb ah Ulbistuur anaaniga dayaca, alaba jeerraanta
Eynfaadka baadida tagtow, adadac buubaalka Abid maqan intaha raadiskay, axal ka duugoowdey Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta
Ambaqaadka taa uma ekeyn, aniga hay saarin Summad awdka sawraca ankari, eedda iyo dhaarta Asaraarka eexada danbiga, shiru aguugeynta
Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga Inqiis naas ah iin cararjidow, gudur ufaayowga Ubad jaalla ahaan baaqatiyo, dhicis ammuurayska
Ammaankow gandood eel ragaad, arami naafowga Ammaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga Uhda dhugato roor, ababa’leyn, ol iyo geegaarka
Alleqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga Aafaa samaawiga Allow, naga ammaanayso Aammiin ma buuraan intay, duco allifaane
Kuma aduurdhabaan baarqabbadu, abasaxeeddiiye Shimbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane Abeerrada tifrimay goojadii, lama ammaaraane
Qorracxdoo abbaar le’eg markii, oodda laga jiido Kolkii kuraygu eyrada hayey, kala aqoolmayso Ulaha uma boobaan intay, tiro abyoodaane
Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, aladii fooca Arbaxaale Waa balli xoolaha u fiican oo Buuhooddle geesta Hawd galbeed ka xiga. goortay tagtoo, aayaddeed dheregto Aamminkii la baraqmaali jirey, ma arrumaayaane
Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye
Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn, kama uneexaane
Waxay abaxa goysaba markay, ohin carraabyso Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane
Jiilaal aleel ka cad hadday, acabtin doonayso Markay uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa Iyadoo idiin ka cas markay, oon la soo degato
Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane Awaaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede Wuxuu u jeedaa togagga ama faraha ama ilaha ceelka Caynaba dhinaca hawd ka xiga oo geelu jiilaalkii ka soo arooro. Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane
Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode Niman baa uquun kagala tegey, ilindiddoodiiye
Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraye Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilahaye Wax arsaa’iilkood galay markay, ferenji aadeene
Dulucda
Markuu gembigii iyo jihaadkii galay degmooyinkii faraha badnaa ee Ciid iyo Hawd