Gabay Sare

CALANSIDE

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Iyadoo Taleex la yaal, ammintuna barwaaqo tahay, ayaa Daraawiishtu waxay is dhex mariyeen faraska Muuse Shiikh Cabdille oo la oron jiray Saa’ildoon, inuu ka dheereeyo faras markaa Sayidku lahaa oo la oron jiray Bood-dhegayseed. Sayidkii xantaas hadduu maqlay waa u qaadan waayay, maantii dambe ayaa labadii faras waxaa loo saaray tartan iyo bedertan. Dooxda Guryasan oo ceelka Taleex dhinaca waqooyi-bari ka xigta ayaa lagu bedray, saddex goor haddii laysku ceshayna faraskii Sayidka ayaa orod badiyay, duub cad baana qoorta loogu xiray. Maantaas dabadeed, faraskii wuxuu la baxay Calanside, Sayidkuna wuxuu u mariyay gabaygan:

Ninkii door ahaan jiray, hadduu dirir ka waayeelo Hadduu daabacaadyada meel dhigtoo, daacadda u jeesto Doqonkiyo haweenkaa u fila, daaldhe caalle ahe

Sange door ah oo laga yiqiin, dunida guudkeeda Dooyada haddii laba sabeen, laga daddaabyeeyo Darmaan haatan kacay baa la oron, kanaa ka door roone

Calanside haddii lagu danniyey, daalis iyo gaabin Daraawiishta oo idil hadday, daabbadda u fuushay Dalaad dheer haddii lala tagee, la isku soo daayey

Libaax kama digsiiyow qalbigu, waygu diirsadaye Dayaydii horeetaba miyuu, daafta sare meeray

Dadku wuxuu ku faanaa waxaan, duxi ka raacayne Sidii doxorka Iiddoor bay, dururuqleeyaane Duhur bay ahayd maalintii, duubka loo xiraye

Dacwadaasna waa la og yahay, Dir iyo Daaroode Daandaansi wiil ka yar waa, laga diqoodaaye Goortaad dagaal ula tagtuu, dib isu laabaaye

Duqii Muuse koolkoolin jiray, deex ma kaga rooray? Goortuu u dooddiyay miyuu, dalalagluu rooray? Allaylahay dambow lama hadlee, dawlad fasakaa ah!

Dulucda

Iyadoo Taleex la yaal, ayaa tartan loo dhigay faraskii Sayidka ee Bood-dhegayseed iyo faraskii Muuse Shiikh Cabdille, waxaana guulaystay faraskii Sayidka oo markaas la baxay Calanside.