Gabay Sare

CAGA-WADAADLEY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Sayid Maxamed wuxuu gabaygan mariyey isagoo u calaacalaya Cambaro Shiikh Cabdulle oo uu qabay Nuur-Xaashi Cali Ibraahim. Eebbuu ka baryayaa inuu ka furo. Ujeeddada Sayidku waxay ahayd inuu Nuur-Xaashi garto in Sayidku ka xun yahay ama uu ogaado gabadha inuusan la rabin. Xaajadii waxay ku dhammaatay sidii Sayidku Rabbi ka yu’day oo Nuur-Xaashi, Cambaro waa furay. Dadka qaarkii waxay yiraahdeen gabaygan waxaa mariyey Shiikh Jaamac Seed oo Sayidka abtigii ahaa, runtuse waxay tahay in Sayidku mariyey. Wuxuu yiri:

Eebbow adaan kuu cotoo, kuu calaacalaye Cunsurtii aan leeyahay, adaan kuu cuskanahayaaye Carrabkayga Eebbow quwey, caaddil baad tahaye

Eebbow cafiyo caafimaad, igu caqiilayso Eebbow cadaab aakhiriyo, cudur ha ii keenin Eebbow cilmiga waan rabaaye, caalin iga yeelo

Eebbow caano iyo wiilal iyo, curaddo hay waayin Eebbow cayrima adduun waa belee, coodka ha i dhaafin Oo aanan cimiir abadankay, carab gamaan waayin

Eebbow aroos cuukin waa, calaf gobaadeede Cadarka iyo diibkaa qabigu, ku cokanaadaaye Eebbow Cambara Shiikh i sii, caashaq baan ahaye

Eebbow curdudubkii ma geyo, caga wadaadley e Eebbow waxay ku cawareen, caalle doora lehe Eebbow cidlaa loo diraye, inanta ii caymi

Bal haddaanu caaqibo geleyn, calalna waa maale Oo uu ciyaal yahay nafluhu, kala ciraab roone Ma cisaaraddiisay u xulan, cawro waysaga e

Cashadii haddaan gabadhayda, Cali Garaad siiyo Koluu xididka lama callaqee, cayda iga daayo Marna iima caayeen, sidii caada qaataha e

Ina Cali Shiraa ku habbanaa, camalka qaarkiise Oo caawa kuuma ciilqabeen, midab cillaanley e Cisadeeda anigaa ba’shaye, curadki maan siiyo.

Dulucda

Sayid Maxamed wuxuu gabaygan mariyey isagoo u calaacalaya Cambaro Shiikh Cabdulle oo uu qabay Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, isagoo Eebbe ka baryaya inuu ka furo.