CABDILLAAHI AADAN
Sida la wariyey oo gabayganna ka muuqata Hurre Maxamad Liibaan ayaa wuxuu dilay nin loo han-weynaa oo la oron jiray Cabdullaahi Aaden Kiyo, dabadeed Sayidka halkaa waxaa uga muuqatay in haddii labadaa reer colaadi ay dhex marto, uu midkood Daraawiish ku soo biiri doono oo ay guutooyinka dagaalka gaalada u taagan gacan siin doonaan. Sayidka waxaa la ahaatay inuu isku diro si aysan nabadi uga dhex dhalan oo guubaabiyo nimanka nabarka loo geystay. Wuxuu tusay inuu ka xun yahay ninkaa la dilay. Kani waa gabaygii labaad oo Sayidku u mariyey Soomaali iyo dira-diraheeda. Wuxuuna rabay inay wax u tarto dagaalkii ay Daraawiishi gumeysiga Ingiriiska kula jirtay, wuxuuna yiri:
Waxa gabaga loo qeybiyaa, waa qalqaalsamiye Waxa geela qaaliga ka dhigay, qiimuhuu yahaye Qarfo hawda waxa loogu wadi, waa qatimayaaye
Waxa qanamka loo dhaqanayaa, waa qabbaan guriye Lo’da waxa qumbaha looga luli, qaabka dheyda ahe Fardo qoolka waxa loogu guri, qoob ka orodkiiye
Waxa gabar qaryada loo togtaa, guur ha kuu qumo e Qoys weyn waxa loo dhistaa, qani gobaadeede Qadhle awra waxa loo rartaa, qaadka iyo xooge
Waxa qayli loo xiranayaa, qurux asluubeede Qaraafiicda waxaa loo toshaa, saydho qodaxeede Masallaha waxaa loo qaabsadaa, qiro salaadeede
Culimada waxaa loo quweyn, waa qob iyo dhowre Wax munaafuq loo quursadaa, qowlka beenta ahe Waxa qoorta loo jari kufriga, qiil ku waajibiye
Qeydada waxa loo baxshaa, waa qorshiyo deeqe Qaraamaadka waxa loo ratibi, waa qubuul duco e Waxa Quluwallaha loo diraa, waa qubuuraha e
Wax qaddiibka loo tumanayaa, qaarar gooyada e Qarash waxa magliga loogu guri, qayb ha kuu galo e Waxa loo qaadan gaashaan, inuu qaashka celiyaaye
Rag wuxuu isu qiimayaa, waa qarfaafada e Waxa geesi qalabkuu sitaa, waa qabiilniino e Qayrada wax loo marahayaa, qaylo dirireede
Wax qisaasta loo dhiibayaa, qoomamaa hadhiye Waxa qaalli loo raadsadaa, waa qisada diine Qalinduurre waxa looga tegey, waa quraan yariye
Daaroodka waxa loo qur jari, waa qaskay faliye Iiddoorka waxa loo qateyn, waa qafaalnimo e Waxa qumayo loo dilahayaa, waa qaxaabnimo e
Cabdillaahi Cabdullaahi Aaden (Kiyo) Maxamad Liibaan. waxa loo qur jari, waa qabiil li’iye Qoon adag hadduu leeyahaan, loo quturihaynin Qooq laguma toogtecn ninkii, qaaliga ahaaye
Waraabaha qaloombiyahayaa. kuma qadeeyeene Qaraddiyo jinaadkii dhurwaa, kuma quraacdeene Intuu qalamsadoo cuno gadaal, qaaqda ma hayeene
Qalbigey xanuunsada markaan, qaallanow dayo e Qab iyo luuli qaabkuu ahaa, qeydada midabka Qarqarrootigii socodka iyo, qalanja laafyoodka
Qun-u-hadalka qaaraanka geed, quudka bixintiisa Qasadkii buruudkiyo markay, qaawa ololeyso Qeyraamintii waranka iyo, qabas kuleylkiisa
Fuley baa qammaada e ninkii, qala la’aantiisi Goortaan qiyaas fiiriyaa, la i qumbiciyaaye Qori dalab sidiisaa wadnaha, lay qarqariyaaye
Anaa quusan waayaye, bahdiis qoonsan mahayaan Qaraabada kuwii ugu dhawaa, uma qamiiraane Nimankii qiyaamaha ku raray, kuma qamaamaane
Qarri Qarri-jiqood, buur ku taal webi Shabeelle xaggiisa sare. kuma simaan wccrarkay, qabax ku siiyaane Qardam kama dhigaayaan intay, subax quraadaane Qaday kagama yeershaan guntii, qurunka weyneyde
Huwan qoorrigeeda ha xushiyo, qaara geeda lehe Haw xilato qabay xoor leh iyo, qadow kuraarkeede Qol dugsoon intay jiifsadaan, qaac ha loo shido e
Giddigoodba qayl-qayl dhaliyo, qaraf ha eedeene Haaruunku qalalaasuhuu, kala qaxaayaaye Markay qaraxdo baaruuddu waa, kala qumaayaane
Inkastoo qabniyo maal adduun, laga qaniimeysto Qormadooda oo idil haddaan, qaydna laga reebin Waa ila qaraar reer Cismaan, qaan-ka-guradkiisu
Qaraajiinta Doollaal haddaan, qiiqa laga duulin Ragga qaafadooda ah haddaan, waran la qaadsiinin Waa qaran maxaa loo lahaa, qolada Liibaana?
Nin qadeeca dhigi waa sidii, qoofka aan falaye Aniguba quruunoo dhan baan, hoor ka soo qubaye Ingiriisba qoorriga badeed, qaati kala roorye
Inkastuu qabiil laawe yahay, qaayin iyo daayin Ninkii qaamilaad lihi dagaal, waa u qumiyaaye Anaan qaaridayn bah Cabdalladu, inay qotowdaaye
Qacdii hore Camuud Camuud Siciid Liibaan. baan lahaa, qaarashuu tegiye Qabkii Faarax Faarax Maxamuud Liibaan. uma soo rogeyn, intuu qaboobaye Qamuunyada Hudliyo (Boojaalli) Yuusuf Maxamad. Kaahin Kaahin Maxamad Liibaan. waa, qabay daruureede
Qar buu duminayaa Kabarre Maxamuud Kabarre , waa qarow ishaalleeye Qasadkoodu Deyl Deyl Maxamad Liibaan iyo Khaliif, waa qaboonada e Maxaa qaaday laba Shiil Maxamad Yuusuf Liibaan iyo Shiil Maxamad Liibaan Jiisoow. markii, qorigo qiiqaabay
Qaddarkii Ilaah iyo wed baan, layska qarineyne Qasiraadba wow lumi ninkii, qaamudkiis galaye Alla qiira darana Jiciir Jiciir Maxamad Liibaan Jiisoow. , Qaaddirkay magane!
Dulucda
Sayidka ayaa gabaygan u mariyey reerka uu ka dhashay Cabdullaahi Aaden Kiyo oo la dilay, isagoo raba inuu isku diro qabaa'ilka si ay Daraawiish ugu soo biiraan.