BOGADAAWAD
Niman badan oo Warsangeli ah oo Maxamuud Cali Shire madax u yahay ayaa Sayidku siiyey xoolo fara badan oo isugu jiray geel, fardo iyo ari, dabadeed isafgaranwaa ayaa ka dhex dhacay oo waa ay kala boodeen. Dareenna waa kala galay. Dabadeed degmadii Maxamuud Cali Shire madaxa u ahaa habeen madow bay xaruntii ka guureen, waxayna tageen buuraha Calmadow oo Daraawiish waa ka ufoodeen, wax badan baa aftin iyo ergo loo diray, qaabulse lagama helin. Daraawiish waxay guddoonsatay mar hadday ka tageen inay dadkii iyo duunyaday la tageen ka soo ceshadaan. Waxse isku gudbay oo fardihi u mari waayeen buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin. Daraawiishi waxay qabeen geela iyo fardaha ninna inaanu yeelan karin ee ay rag oo dhan ka dhexeeyaan, hase yeeshee xilligii gu’ga markay ahayd oo ay degmadii soo fedda-baxday ayaa Daraawiishi geeli gacanta ku dhigtay. Dabadeed ku digasho awgeed ayaa Sayidku gabaygan u mariyey, oo wuxuu yiri:
Bogadaawad waataan lahaa, bari ka soo dhiibe Waataan bidhaan quruxsanay, soo hojooy iriye Waataan baadi celiyoy lahaa, yeeyan baylihine
Barbar uga du’ waataan lahaa, buurta yey korine Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine Waataan bad kuma caymatee, soo barrooy idhiye
Boholyowga Hawd Waa dhul dhir badan oo u dhaxeeya Ciid iyo Nugaal. bay durduro, budulka raacdaye Baliishii Waa balli Hawd dhexdii ah oo Buuhoodle koonfur-galbeed kaga toosan. kaliileed tagataa, biliqda dayreede Kobta ariga beeduhu degay, kor uga baadaaye
Banka waa ka carartaa sidii, gan iyo buubaale Boqoolaa hadhkii bay sidii, badali roortaaye Biciidkay ku darantaa sidii, bahal ugaareede
Bilcil faraq ku yaal bay tiqiin, baariga u saare Hareeriga ka baxay foocyadey, baaca gelisaaye Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye
Bilbilaha mareedh caraaley, baraqda daaqdaaye Barqamaaga geryaha baxay, belegta gooysaaye Caleen baacday tuurfaahistay, bulush cantuugtaaye
Bisiq hamasha buuniga dharjada, udug buuracowga Burdad ubax leh baar iyo uneex, baqas ku fuuraaga Buta waran barraajistay, balala qaaddaaye
Bakadaha iyo xiitoolahay, banan u raacdaaye Burca toon leh bacad ciidle bay, bara hoyaaddaaye Intaasay ku baayiri jirtoo, baashi ku ahayde
Baran mayso meeshaa degtaan, boqol alluu-naarye Bog qalluudan beer godani waa, ba’iyo hoggeede Ka soo bixiya waataan lahaa, balcaddii gubane
Jiilaal barraahsaday hadday, bila ku soo oonto Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye
Bilcataabihii iga xadaan, uga baqayaaye Waataan baatriteedii lahaa, buurka yey tebine Hal ma beddelo waataan lahaa, beeya-gurihiiye
Waataan ku iri hayga bixin, baarqab baa dhalaye Ka bariiya waataan lahaa, baydda yuu jarine Bushuma aan run lagu oron waa, lagu beloobaaye
Waataan bahdaa yey ku lumin, kuula baashiraye Waataan bad baan kugula dhici, baane ku iriye Bih-ina-Faatax biixida jabtaan, baani kabihayne
Awal bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede Waa ceel toddobada ceel ee Doollo laysku yiraahdo bari u xiga, wuxuuna u dhexeeyaa Wardheer iyo Haraxagarrey. Waana ceelka ugu dawlis dheer dalka Soomaalida. Macayeedna buufaamahay, badaha raaceene Adigana baroor bay indhuhu, kula basaaseene
Bulxankeeda olol baa ka roon, adiyo beeggaaye Haddaad haatan biixida wadheen, bag iyo haankiina.
Dulucda
Niman badan oo Warsangeli ah oo Maxamuud Cali Shire madax u yahay ayaa xoolo lagu aaminay, balse markii ay xaruntii ka guureen ayaa geelii laga soo dhiciyay.