Gabay Sare

BAQALKA KUUGU SOO DIRAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashii Daraawiish tiirkeeda adkaaday, ololaheedana calan walleynaayey oo dadna u kala miirmay nin gaalada xaggeeda ka soo jeeda iyo nin waran iyo gaashaan qaatay oo gaalada hortaagan iyo nin aan labada geesood midna raacin oo gegi dhexe iska jooga oo ishaafalateynaaya, ayaa nin gabyaa ah oo magaciisa la oron jiray Aaden Axmed Dubbe oo degganaa buuraha Ceerigaabo iyo afafkooda gabay mariyey, gabaygaa oo uu kaga gilgilanaayey hadallo Sayidku isagoon dad kala soocin gaalo dad badan ku sheegay, gaar ahaan degmada Aaden Axmed Dubbe ka mjd yahay. Wuxuu yiri Aaden:

Dariiqada Axmediyaannu nahay, eheladeediiye Afkana kama dhignoo jamacaan, idilkii haynaaye Umuuru diinka waxaan raacsannahay, Nebi Ibraahiine Gaalada ninkii nagu ismaa, waanu na aqoone Ishaa Allaahu aakhiraba ways, ku arki doonnaaye

Sayidkii markuu maqlay gabaygaas wuxuu hubsaday ninkaa iyo lillaahinimadiisa iyo inuu yahay nin diin iyo iimaan leh, waxgaradna ah. Dabadeed wuxuu u diray baqal hadiyad ah iyo rag ergo ah iyo masafadan, wuxuu Sayidku hadal ugu gabagabeeyey waxtar iyo waxsiin haddaad doonayso xarunta kaalay, wuxuuna Sayidku yiri:

Ragga bixitamaayow, bela laga xijaabyow Ayaantaad bad beeddaan, Aadan wayga baab mida Bishaaradu ha gartee, bayin waxow tiraahdaan Sagaal halaan ku bari baan, baqalka kuugu soo diray Warsangeliga beyree, ballankii Ilaah furay Bidcafalaha nagu yiri, xaajada baddaalka ah Ee baara weynow cawar, beydka ugu galay Iyagiyo berberigu, baha gaalo weeyoo Baayacaadda Cadameed, Ibleys bawgu baaqoo Boqorka uu guddoonshaa, Bastaloosi weeyoo Badaawida xujoowdaa, adiguba u baantaye Waadiga biddoodkiyo, boonlaha ku sheegaye Baraara Alla-yeelyow, adigaa I beejaye Beddel inaad ka dhigataan, baqalka kuugu soo diray! Marna baad aan leeyahay, bilna kuuma imannine Biya aan ku siiyana, bushimaa ma saarine In kaley buleysaye, adigu beer ma dubannine Bismillee bilowgaan, baqalka kuugu soo dirayee! Baashiga abaareed hadday, beeshu geeddido Boqoolaa harsimadii, haddii budulka lagu dhaco Buska inaad ka fuushaan, baqalka kuugu soo diraye! Haddii aad bannaankiyo, bocoodaha ka guurtaan Ee baallaheediyo, barqa-maalle lagu furo Buurta inuu ku koriyaan, baqalka kuugu soo diray! Cidahoo barwaaqaa, berisamaha dooggii Barqagaarka reeraha, baashaarka gobannimo Dantaa inaad ku bogotaan, baqalka kuugu soo diray Haddaad baadi doon tahay, beydaalis xoolaad Aadan bananka dheeriyo, beri kale u saafurin Barax inaad ku rarataan, baqalka kuugu soo diray Haddii bogox col loo waco, waa beled amxaaree In kastoo buufis lagu wado, bigifsiga ma daayee Kufri inaad ku boobtaan, baqalka kuugu soo diray Nin wadaad basariyana, barakaa ka raacda e Anna waan u baahnahay, ducaad igu bantookhdoo Inaan kheyr baalleeyaan, baqalka kuugu soo diray Bacdigeedna aakhiro, bacaskiyoo kulaylkii Bancaddaha qiyaamaha, sida bilig billaac yiri Baalal inaan ka yeeshaan, baqalka kuugu soo diray Bojayoo sagaalkii, biidna kama aan dhaafinee Bigi iguma laabnoo, waa iga bashuuqdee Big yaroo kaleetaan, badin maayo ku sii dari Dad nin bela sameeyiyo, burge lagama waayee Buuryaqabyo xaasidi, bakhayl hadday I moodaan Oo baaniyaal dhaho, bal dayooy wuxuu wado Hadalkaa bishaacaa, iyagaa ku ba’ayoo Adduun baafis inaan ahay, burhaan looma helayee Buubsi waxaan ku taabiyo, boolina ma haystoo Kolay neef barkina tahay, baas lagaga qaadoo Muslin waxaan ka buurtana, baqti buuba iga yahay Been inaanan sheegayna, waa igu billaahoo Boqol halaadoo aan bixiyaa, beesad ilama dhaantoo Wixii laysku bededana, barashaa ka fiicane Haddaad baaha doon tahay, berri adigu ii imow Haddii kalase booskaa, yaan bahalku kaa dilin.

Aaden Axmed Dubbe (Gabeyxoog) markuu baqalkii Sayidku u soo diray guddoomay, masafadiina loo mariyey, wuxuu u diray gabaygaan:

Awal maanso waataan dabroo, daayey waayaha e Ka da’ weyni daandaansi iyo, diradireyntiiye Waa layga wada doonayaa, doogsintaan baraye Aan daleeyo caawana qalbigu, way dikriyaaye Deggane Maxamadow waxaynu nahay, ul iyo diirkeede Dadka kale ha joogo ee adaan, iga digtoonayne Raggiinnii Dariiqada ka yimid, durug warkiisiiye Dunjigiisba waan wada jeclaa, degaha reer Nuure Wixii duub leh deris baannu nahay, iyo Daraawiishe Sayid Maxamed doodduu i yiri iyo, daabbadda uu keenay Waa ii soo duceeyaye Allow, derajadiis raaji Midna waqaan Ilaah ugu darraan, labada daaroode Muslin oo dhan baa diiq ku jiray, jeeruu daahiraye Awliyada duushuu carshiga, kula dakeeyaaye Ninba wuxuu debnaa ugu hayiyo, daarka iyo laabta Danniguu gartaa waxa qalbiga, kaga dahsoonaaye Kun halaad nin subax soo didshoo, duul u yimid siiyey Oo aanay duntaa iyo la noqon, dibi la loogaayo Deeq nin ugu faanaa ma jiro, Dir iyo Daaroode Nin la diini kama soo if bixin, duniyadeenneere Dirid ferenji baa ugu badnaa, dab iyo baaruude Isagiiba dabaq buu ku riday, duhur dharaareede Dabar iyo hoggaan buu ku xiray, duluflahoodiiye Dangaaradii bay dhegihii, wada dillaceene Dogoble iyo ka kici ceelashay, wada degmaysteene Burco kama dabbaaldego wixii, dabada gaabnaaye Nimankuu la soo duulayoo, dab iyo reer siiyay Diintii ka saar oo hadday, wada dulloobeene Doofaarradaasaa jihaad, lagu dayaayaaye Dadoow dirira loo kala dillaac, labada daamoode Afartaa da’da intaan ku dhigay, daw ma ku hagaajay Ma daliil dhaqsaday sida wadaad, deelka ka higaadshay Dig ma yeershay sida danab cir dhacay, ama gu’ duulduulay Duufaan ma soo riday sidii, diiqalyada xoomir Ma dalleeyay sidii doonyahoo, qalamigii duubay Shiraacaan farmaanka ugu xiray, dakhalka maw buuxshay Deebaanka ma u soo qabtoo, maw dabeel raacshay Warsangeli Dariiqii ka beyr, daahirtii nebiye Sayid Maxamed deeqduu baxshey, bilo ku doogeene Waxa dararta laga maalayaa, deebluhuu dhaqaye Waa niman diihaal lagu korshiyo, gaalo daallima e Dadna waxay ka doorteen kufriga, inay dillaalaane Ha lagu duulo nimankaasi waa, debendobyoobeene.

Dulucda

Guyaashii Daraawiish tiirkeeda adkaaday, ololaheedana calan walleynaayey oo