BAL DAYOOY!
1919kii, markuu Ingiriisku Daraawiish daayuuradaha kula dagaallamay ayay Nugaal ka carareen oo waxay u qaxeen koonfur-galbeed. Ingiriisku wuxuu xoog lahaa ayuu gees walba kaga keenay. Dhaawici ugu xumaana wuxuu ahaa markii la dilay boqollaal madaxda Daraawiisheed ahaa (qusuusuddii) iyo toddoba wiil oo ilma Sayid Maxamad ahaa. Dad iyo duunyo wixii maalintaa adduun rogmaday ama daar la burburiyey iyo dab wixii la taabay lagama sheekeyn karo. Waxaa ka darraa goortii la hubsaday in Daraawiishi jabtay ayaa dad oo dhami xoolahoodii sidii haruur daatay u boobeen. Ka sii darane, rag badan oo Daraawiishtii ka mid ah ayaa ballan furay, dariiqaddiina ka bayray, intaa oo dhan waxaa u dheeraa digasho iyo ku diigdiigsi, dawixid iyo bal dayooy waxa ku dhacay. Haddaba gabayga soo socda waa calaal iyo xogwarran, adduunku inuu yahay harka labadiisa gelin. Ujeeddada u weyn waxay ahayd taariikh danbe inuu ahaado, Sayidkuna wuxuu yiri:
Cirkaan di’in abaar daalliyaad, dunida oo qiiqday Dayax ururta daariga ka maray, dirirka oo liiqday Maruun baa daruuraha cusayb, soo dibbiriyaaye
Deyraanka curashaa ku xigi, daacigii sebene Maruun buu darroorraa Intuu, daadka soo roga e Bal dayooy duraabtaa horuu, daafta mariyaaye
Dumaa hoolmay diin xaalufay, dooxadii noqotay Maruun baa daliigaha dhulkaa, doog ka soo bixiye Bal dayooy dunqaaraha baxa, dell ka dheeraa
Nin dalleesan intuu duukhayey, doqontu mooddaaye Inkastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo Haw dayrin deeqii Alluu. Dooc ka sugayaaye
Rabbibow dawari kaan lahayn, duunyo iyo maale Asagoo dirriga jiifsaduu, dayrdhal soo heliye Bal dayooy maruun buu darfiyi, deeqa caanaha e
Nin dayoobay deyrdeyr hadduu, dawyada u jiiro Maruun baa daryaankii ka bi’i, doorshay madixiiye Bal dayooy dalkuu fiiriyuu, dib ugu labmaaye
Sengihii dirrow laga dhigee, dibintu boogoowday Maruun buu dakaamaha jaraa, soo durduriyaaye Bal dayooy dabrada weerar baan, daaqad loo heline
Dakankiis nin dowlada haddii, duudsi laga yeelo Maruun baa dawaarkii is rogay, diiqalyuu socone Bal dayooy dawaaraha mar bay, daa’iruu kiciye
Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho Maruun buu dareemaa inaan, derajo loo hayne Bal dayooy markuu dido inuu, deyrka jebinaayo
Rayid wuxuu ku dabandeebayaa markaan, dirir u qiimaaye Dabatoobka Iiddoora baan, deyrka ka eryoone Bal dayooy maruun baan dawixi, digasho geeraare
Ninkii diricyadiisii kufrigu, daabaca u qaaday Maruun buu dirramayaa intuu, duubiyaal dhalo e Bal dayooy da’ uun bow kacdoo, dooyo geliyaaye
Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho kuu raacsho Maruun baa dedaddu kaa ba’adaa. diifihiisa cudure Bal dayooy dawaa’iga marbuu, diirsimaad heliye
Doonyaha shammaalka ah haddii, dakhalka loo laalo Maruun baa dabaylaha sidaa, kor u dandaanshaane Bal dayooy dunjiga fuushan baa, daraxu caynshaaye
Dad qaraab nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo Maruun baa dafaarkii fakday, dabin ku rooraaye Bal dayooy nabsigu waa wixii, daaha yuuraraye
Hadduu daawadii furay nimaad, deris-xigaal moodday Maruun ba mid duunkaaga jecel, daw ka soo bixiye Bal dayooy daruun baad heshaa, daacad kuu noqone
Hadduu diinta caasiyay, wixii Dir iyo Daarood leh Maruun baa jannada deexda weyn, daalibkeed imane Bal dayooy Darwiish nin u ah, baa loo diyaafadine
Tol dulloobey oday dooralaa, loogu dowgalaye Maruun baa duqeydii xummad, danabba dhaafaane Bal dayooy rag caro duuban baa, dib u guhaadoone
Ogaadeenka dulaalayee, degaya meel ay ah Maruun buu dallaaddaan ku furo, degi ishaalleeye Bal dayooy shir doonyaale, mar buu soo dabbaldegiye
Doongaha Ammaadina Cabdaa, loogu daw galaye Dabbaraarihii baa khatalay, daadufka ahaaye Bal dayooy dalkii lagu galay, deleb ku dhibaane
Duudyaalka reer Cumar Ugaas, duunka kuma hayne Maruun bay dubbada maalinguur, soo digiigixiye Bal dayooy dannaaniga mar baa, deexda loo rogiye
Huwan baa darxumo quursateen, damac Alluu naarye Dillaalkiisa Ina-AwCilmaan, duxi ka raacayne Bal dayooy dubbihii lala dhacay, daqarka hoorshaane
Usna daacad dhiib kuma samreen, degaha Haarune Nimankii dalkoodii la dhacay, uma dagaageene Bal dayooy dacluuskii qabsaday, kuma danqaateene
Inkastuu jinnnigu duufsadee, Doh iyo Buur geeyay Marna door intuu ciirsi bido, Dalal ma yeeleene Bal dayooy dawaaraha mar buu, daw ka soo dhiciye
Cawlyahanka daraf baan lahaa, diifta kula roore Goortuu Makaahiil dujeey, iga danaysteene Bal dayooy shisheeye i dafay, an iga doorteene
Aniguba dudmiyo ciil waxaan, dibedda meeraaba Waxay deyraday igu faleen, deris ahaadaanba Bal dayooy mar buu iga dubnixi, duunka baahala e!
Dulucda
Nugaal ka carareen oo waxay u qaxeen koonfur-galbeed.