BA’A E YAW SHEEGA
Nimankii taariikhda Daraawiisheed aqoonta dheer u lahaa waxay sheegeen, in 1905tii intii ka dambaysay, Daraawiishi dad iyo duunyaba sare u kacday, oo barwaaqo iyo baraare, baydi iyo raaxo heleen. Hase yeeshee niman la oron jiray Ararsame oo Hawd galbeed fadhiyey ayaa Daraawiish far dheeraatay ku noqdown. Gabayo iyo geeraaro adiyad iyo aflagaaddo ah ayay ka deyn waayeen, dhac iyo duullaanna waa ugu dareen. Sayidku usagoo Daraawiish tusaaleynaaya nimankaa talada uu ka qabo, xikmad iyo murtina faallaynaaya ayuu gabaygaan mariyey, wuxuuna yiri:
Sange buuran oo baddalliyoo, gaadda balaxoobey Oo aan biyiyo raaxo iyo, banaha caws waayin Oo subag baqbeenaa la siin, bilaha jiilaalka
Meeshiyo baraarnimo hadduu, baadka miranaayo Barwaaqadiyo geedaha hadduu, badhi ku laaqaayo Baldhoolaha cagaarka leh hadduu, buro ku daaqaayo
Bus-ku-erida raacdada hadduu, buufis geli waayo Sidii bagagi doora leh hadduu, bigigifluu rooro Inaan bahalka laga soo xireyn, ba’a ee yow sheega?
Basar iyo wanaag haybadliyo, booddo iyo fuulmo Beded iyo kebtityo raaxo iyo, buubsi iyo weerar Inaan baqal fardaha gaarayn, ba’a ee yow sheega?
Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo In billaawe lagu soo xafsiin, ba’a ee yow sheega?
Lo’da beydideed waa hadday, baraq u joogtaaye Barqamaha gugii baa xumbada, laga bursiiyaaye Buqbuqoodka iyo ciirtu waa, beri samaagiiye
Boggan wuxuu insaarixin intuu, baarta cunayaaye Jiilaal barraahsaday sacii, balafyey weyshiiye Ninkii baqar lahaa waa hungee, ba’a ee yow sheega?
Dameer laba buqlood lagu raree, lagu baqoolsiiyay Bukuuraha xun buu moodayaa, buur inuu silo ee Inaan bacadle awr lala simayn, ba’a ee yow sheega?
Bakhaylkaan biriir yaabahayn, waa bakhtoo kale e Marna haddaanu beydkiis nin yimid, barax u dhiibaynin Buuryaqabka inaan loo tegayn, ba’a ee yow sheega?
Bahdii nimaan wax siinayn, hadday baahi kula roorto Barakadiyo xoolaha hadfii, beri la dhaafsiiyo Inaan baraxna loo taagihayn, ba’a ee yow sheega?
Naagtii basariyaan Ilaah, barin wax xoogaana In kastoo baftiyo khayli iyo, boqorro loo iibsho Baalidu sidii habas hadday, boor ka kici weydo
Marna inaanay bilic yeelaneyn, ba’a ee yow sheega?
Culimada sidii baaniyaal, beledka gaalo joogta
Baabkii Allaa laga akhriyay, inay baloobeene
Inay balalka naartii ku kici, ba’a ee yow sheega?
Ninkii bala’da lagu yeeriyee, bayraq lagu duubay
Marna haddaanu bara aamin iyo, baahi geys noqonnin
Inaan boqorka loo deynahayn, ba’a ee yow sheega?
Bushimo aamusaa waxay helaan, inay bedbaadaane
Rag balaayo iyo ceeb ninkii, igula baayooda
Inaan baxarka moolkaa ku ridi, ba’a ee yow sheega?
Baalxaafka waxaa loo sitaa, beylah kaa maqane
Ninkii loo bukaan qabay hadduu, beeg uu dili waayo
Birtiisu ha jabtee inaan la rabin, ba’a ee yow sheega?
Runna nimaan ka beyreyn iblays, barale weeyaane
Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo
Inaan dhagaha loo balalinayn, ba’a ee yow sheega?
Bogga laga mudyow fuluhu waa, baydada hayaaye
Goortuu bidhaan cadow arkuu, balow yiraahdaaye
Inaan melegga laga baajinayn, ba’a ee yow sheega?
Geesiga bacood lagu dhintaa, bili ka raacaaye
Abidkiisba baashuu ka galo, looga kala bayrye
Usaguna buruu leeyahaye, ba’a ee yow sheega?
Burgahaan wax tarahayn haddii, belelku qiiqaabo Aan bayaadxumo deynahayn, baaqulliyo ceebta Baasaha dagaal inuu ku lumi, ba’a ee yow sheega?
Ragii baadda loo gurahaye, boqolka loo keenay Beejimada naagaha raggii, beydka loo geliyey Baarada adduunkaa raggii, baqaska loo dhaanshay
Baashida raggii laga dhigee, beyda taagahayey Big hadday yiraahdaan kuwii, sedada beegaayey Ballankii Ilaah inuu ku dhici, ba’a ee yow sheega?
Ararsame bullada haygu tumo, baanisaha geede Intuu burunjideydii la tago, hayska baar lulo e Buluxiska iyo faanka waa, buli ishaalleeyee
Burjin xabaga oo geed ku yaal, baacu waw tegine Biciidkii bulshada ay ka gala, beydaraa heliye Inaan beylah laga waayahayn, ba’a ee yow sheega?
Haddeeyaan sidii beela raran, Xarunta soo buuxin Ama aanay xaqay naga buleen, bixinnin oo keenin Ama aanay Bangaal Waa gobol Hindiya geesteed ku yaal ama waa dalka hadda loo yaqaan Bangladesh. iyo Hindiya Wuxuu u jeedaa dalka Hindiya oo ay Soomaalidu waagii hore aad ugu dhoofi jirtey. , beled kaluu dhoofin
Baaruud Waa faras caan ahaa oo uu Sayidku lahaa magaciis. la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo Barakada Ilaahay haddaan, badi u noolaado Inaan baarax nabadeed jireyn, ba’a ee yow sheega?
Dulucda
Nimankii taariikhda Daraawiisheed aqoonta dheer u lahaa waxay sheegeen, in