Gabay Sare

AWEL MAANSO WAATAAN BALFAY

Tiriyey: Sayid Maxamed Cabdulle Hassan

Guyaashii Darwiishi deganayd xeebahaas Ilig iyo Ayl, ayey aad iyo aad u xoogaysteen hub iyo maana ka hodmeen, haybad iyo buruudna Eebbe hibo uga dhigay. Kolkaasna Soomaalidii ka soo horjeedday iyo gumaysigii la dirirayeyba waxay jeclaysteen waanwaan nabadeed inay la yeeshaan dabadeedna si fiican ula heshiiyaan. Sidaas daraadeed Ingiriisku wuxuu u soo diray boqollaal ratio o safar ah, si xiriir ganacsi uga dhex beermo iyaga iyo Daraawiish. Talyaaniguna wuxuu siiyey dab badan oo buntukhii shanlaha ahaa ka mid yahay. Hase ahaatee Soomaalidii markaas geeska ka ahayd duullaamo badan bay Daraawiish ku soo bixiyeen, dhowr goorna xarunta ayay soo weerareen , Darwiishina gaashaankay u qabatay, six un bay u jebiyeen oo guul iyo libin ayay dagaalkii ka gaareen. Isagoo Sayidku ka faalloonaya gargaarkaas Ilaahay siiyey, biliga iyo buruudka Daraawiish loo yeelay, ayuu gabay mariyey, wuxuu yiri:

Awal maanso waataan balfoo, beylahshoo nacaye Waataan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e Aan booyaamo xalay baa huradada, layla baashiraye
Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise Barkadaha ballaqan iyo ballida, aan buux dhaafsho
Aan butaaco sida karadha waa, bu’ashaydiiye Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohola oo jeexan Buurtiyo hannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo
Afartaa bojaye balaan mid kale, baabka ka higaadsho Halkey bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo
Baaruddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo Aan bulxamo sidii badaha oo, baxarku qiiqaabay Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa
Baabuurka aan dhoofsho waa, bixitamayaaye Aan bandiiraddiyo calanka iyo, bayraqa u taago Bishaarooyinkii Eebbahay baarax, aan u sheego
Bugtii hore hadduu uumiyuhu, baaddil nagu maagay Bilis iyo nafloo idil haddii, laysu wada bayray Baabkii shareecada haddii, loo bushima tuuray
Boqol jeer rogaal iyo hadday, buufiyaay noqotay Bufka waxaa wadhnaa waa kufriga, boqorradiisiiye Banaatiikhda waataan ka helnay, badane noo taale
Bili nimaan lahayn baan xarbada, biid ka tarihayne Buruudkii astaadkeennu waa, biraan la laafayne Waxa baalka dheer noogu wacan, Baraka diimeede
Ingiriisku waa baahaaqaad, baadda noo wada e Bullaxaar waxaa nooga yimid, moosin loo bogo e Talyanna soo baxyoo haatan waa, baha Daraawiishe
Boontii Majeerteen ahayd, baabbah laga yeelye Waataa waraabuhu ka bogan, burunjidoodiiye Buuryada waxaa looga jaray, waa badownimo e
Bahdirtii xaglaa dabecsanayd, hawdyihii jabane Baadariyadii laga idlee, balagta dheeraaye Baqalyuhuu kuwuu diirtay baan, looga bi’ihayne
Bile iyo Shuxle iyo Yuusuf waa, baadi aakhiro e Baduuggaa berraa laga samayn, nimanka Baargaale Bi’idnillaahi Boosaaso waa, belelin doonnaaye
Keenadiid bitikhan wawsagii, gaasku baatulaye Wax balaayadaas loogu dhigay, baaqulhadalkiiye Baraxley sidii loo makalay, boohin ku abaadye
Ina-Diinle baasaha ka dhacay, bari u naaftowye Waa buurriyaan socodka oo, boqontu waa kaw e Tolow badarka noo daaya bay, nagu baryaayaane
Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye Burco wuxuu la tegey gaajo iyo, boohin iyo cayre Mahad lagu bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye
Buubaale nimankii futada, beyga ku leeyahaye Markii buunka lagu yeeriyey, bogox u yaaceene Waxa balaslahoodii ka dhacay, beled amxaaraade
Ogaadeen Bullaaliyo ka carar, baqaskii Doolloode Buncaddaha Turey laguma ogaa, jees ku baaqiya e Qorraxey horweyn kama balxado, bilaha jiilaale
Reer Subayr bidhaan laga idlee, badina loo laaye Beyley ma maalaan intay, bidhe u qaataane Barqinkiyo harkii kama dhammaan, balaqdii caanoode.

Dulucda

Guyaashii Darwiishi deganayd xeebahaas Ilig iyo Ayl, ayey aad iyo aad u