ARARSAME
Guyaashii Daraawiishi fadhiday dalka badda Hindiya ku jeeda ee Ilig iyo Ayl dadkii wuxuu u qaatay inay Galbeed iyodegmadeeda ka caareen, cabsina ka gashay. Gabayo ayaa Sayidka iyo Daraawiishba loo mariyay, aan ka soo qaadno gabaygii uu mariyay Ducaale Cali Fagaase oo ahaa: Fulayahow nin Kaa Adag. Gabaygaa markii Sayidka loo geeyey wuxuu yiri, “Ninkaasi waa Darwiish inoo baaqayee col inoo qalqaala.” Maalintii dambe ayaa guuto lagu ballaariyey oo waxay geel lahaayeenna gacanta lagu dhigay. Geelii markii xarunta la keenay oo Daraawiish loo qaybiyay, ayaa Sayidku masafo gaaban mariyay oo wuxuu yiri:
Ararsame futo argeeg, feleg ma ku dhacay? Fishtii inan-gumeednimo Meeriskaas waxaa kaloo loo mariyay si kale oo ah: Faalkiyo cuyuuggii, faydo maxaad ka qaaddeen? feydo maad ku qaaddeen? Ma fallayd kolkaad tiri, cara foos u soo dira? Sow Fagaase nama oron, foofshaye car weerara! Anna faraska inaan qabaa, soo la ima filahayn? Fulayahow nin kaa adag, ma wax la isku fiiqaa? Adigoo farraaro leh futo xume, ma dhacan tahay? Geelii farowga weynaa, sow kaama faro bixin?
Dulucda
Guyaashii Daraawiishi fadhiday dalka badda Hindiya ku jeeda ee Ilig iyo Ayl dadkii wuxuu u qaatay inay Galbeed iyodegmadeeda ka caareen, cabsina ka