ARARSAME DALKIISII KA CARAR
Waxaan meela kala duwan ku sheegnay in Daraawiish xan iyo bareerba lagu yidhi: Ciid, Nugaal iyo dhulkii dalsanka ahaa waa ka carareen markay degeen Ayl iyo Ilig, taasi waxay ahayd hadal aan sal lahayn, xeeladda Daraawiish iyo ujeeddadooduna waxay ahayd ildayasho, dabadeed maalintii dambe ayay caynka hoosta ka soo geliyeen oo Ciid iyo Nugaal shafka dhigeen, meel kasta oo lagama maarmaan ahna daar ka dhisteen. Kolkaasay dadkii aan Daraawiish oggolayni Nugaal ka carareen. Sayidku gabay ayuu mariyey oo wuxuu yiri:
Ararsame dalkiisii ka carar, door ahaan jiraye Deexdii Nugaaleed ka baqay, doora weynuhuye Duuflaale goortii colaad, loola daaljiraye Dul jooggii badnaa baa eryiyo, dooyadii farase Diide oo fakade waa waxay, dir u lahaayeene Kala dide finiinkii sidii, deero iyo cawle Durdurka iyo darantii ma galo, deebluhuu dhaqaye Daaraan ka simay ceelashii, dareyda weynaaye Derbi baan ka riday fereenjigii, dooraduu dhigaye Dabcigayga uun baan aqoon, duunka uu yahaye Sidii dowra mudaha waxaan, dibedda meraayay Dabaqaan la helay gaalo, waan damacsanaa show e Dabool igama saarreyn inaan, degayo Ceelgaabe Dib wuxuu ahaan laguma ogayn, deeqa Eebbahaye Daliilkaa nin ragi waa ogaa, doqonna moogaaye Dan-u-guurka maantaan arlada, shalay dawaafaayey Dacwaddoodu waatay ahayd, durug wadaadkiiye Dadow maqal waxaan soo dul furay, dararkii Caymeede.
Dulucda
Waxaan meela kala duwan ku sheegnay in Daraawiish xan iyo bareerba lagu