AFAR HALAAD CAYUUNYAHOW
Geela Daboolane la baxay ee Daraawiishi Habaryoonis ka dhacday gabayadii laga tirshay ayaa gabaygani ka mid yahay. Wax badan baa geelaas ergo laga daba diray, hase yeeshee, qob iyo qabuul midna lagama gaarin. Markii hadalkiisii batay ayay Daraawiishi goosatay inayan celin iyagoo u cuskanaaya in gardarrada iyo maaggaba looga horreeyey, gaalana garab iyo gaashaan loo noqday. Dhawr gabay oo Sayidku taas ku muujinaayo ayuu mariyey, waxaa ka mid ahaa gabaygan oo uu Sayidku yiri:
Caqlilaawe Iiddoor, waxaadan iigu coobbayn Cune buurid Afar halaad cuyuunyahow, callinnimo Qof aad u garaad yar u yeesheen Mid waa inaad caseeyiyo, cudud gaalo u noqoteen
Midna culuq Allaa oge, horaa wax u cantuugteen Midna ceeb ma weydide, idinkaa carrada dilay Marna geela caaqyahaw, calaf baadan ku lahayn
Afartaa cutuubiyaye, cutub kale waxaan iri Haddaan caamadiinniyo, cuqaashiinna gowraco Ay culimadiinniyo, caydhiinnu dagaagaan
Aanan caymo kaga tegin, cidihiinna oo idil Afar halaan cilleeystaan, ciilku iiga bi’ihayn Mid waa ina-Cutuub Waa Cali Cutuubi, wuxuu u shaqayn jiray Ingiriiska, dabadeedna waxaa la-taliye looga dhigay ciidamadii Ingiriiska ee Daraawiish la dagaalamayay. iyo, Igarraha Xaaji Muuse Igarre. wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ah, ciidamadiisana ka tirsan, waxaa lagala tashan jiray arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiishta. na caalaqay
Midna ka cifayn, culimadeydun layseen Midna waa calaadkiyo, Colujoog halkuu yiri Midna waa carruur yahay, cayaartaad igu maagteen
Afartaa cutubiyaye, cutub kale waxaan iri Haddaan aniga caaqibo, Caynaanshe igu nicin Cakuse Caku: Erey la yiraahdo kolka wax la kahdo. aanu igu oran, Cabdi bariyo reer Weyd
Raggii Ceelcad Waa toddobada ceel oo xiriira: Dhudub, Gallaadii, Baxdo, Bixis. Yeygalo, Ceelfurdaan iyo Dhunyaayaale. lagu jaray, Cawil iiga soo naqa Coodkii la qaadana, ciyoon iila soo orod Ciise Dhoollawaa Wuxuu ahaa Darwiish badmaax ah, wuxuuna qabay Sayidka walaashii. Isagoo doonni shixnadan wata ayaa Ingiriis badda ka qafaashay. iyo, cashuurtiinna ii keen
Doonnidii la caarshiyo, cukaddiina Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado ii dhiib Cayn Waa dhulka looga cabbo ceelka Caynaba. iyo dalkaygana, cagta hayga soo dhigin Dabadeedna cay iyo, cantar Hadal aan nuxur badan lahayn yaa la ii celin
Haddakale collownaye, bal cod gabana iga maqal Haddii laygu caashaqo, caskar iyo maraakiib Haddii ciidan fara badan, laygu soo carcoorriyo Bowda qaawis samayn
Hadday soo cabaadaan, cadcad iyo saraakiil Haddaad soo cafuuftaan, ciiddaa masaalkeed Haddii cuurarkiinniyo wax badan meel ku wada urursan , Ciidagale i weeraro
Cimrigey intaan jiro, cadow hadduusan ii turin In kastaad carootaan, ama aad curraftaan Marna inaan cabiidsamo, caqligiinna yey gelin!
Dulucda
Geela Daboolane la baxay ee Daraawiishi Habaryoonis ka dhacday gabayadii laga