Gabay · Dhexdhexaad

Sooyaal

Raxma Xuseen Huriye

Tiriyey: Raxma Xuseen Huriye ·

Dadkii saatir iga beerayoow samo, ku nooloow e Sokeeyoow waxaan kuu wadaa, sooryo qaaliyahe Waa saymihii roobka iyo, sagal arooryaade Waa seer-ma-waydada cirkoo, galay sidkeediiye Waa gugoon sagsaag yeelan iyo, dirir sagaaraade Waa fadad dhibcaha saydhay oo, simay xareediiye Waa kaymo saacliyo ugbaad, ubixi saarnaaye Waa sixin udgoonkii leh iyo, subag laftiisiiye Waa sararo geedaysan iyo, sumal lagiisiiye Waa soobiroo days dhashiyo, sugul liskeediye Waa dhay sibraar lagu shubiyo, caano saafiyahe Waa sabo nabdoon oon lahayn, salaw colaadeede Waa hadiyad aan kuu sidoo, siinna kuu huriye Waa hadal intii saxarla een, cidi saluugayne Hoos iyo saraan kuugu dhigi, sawdka maansada e Sal u yeelo yuu kaaga dhicin, sud iyo haadaane

U jeedkayga waan saafayaa, sax iyo maankay e Ummaduhu waxay suubsadaan, Kama siqoodaane Sir iy caadba way jecelyihiin, mana sadheeyaane Waa saancad duul wuxu lahaa, loo sasabayaaye Sooyaalka dhaxalkeena iyo, seeska dhaqankeena, Bulshadeena sumadeeda iyo, sooca dhaladkeena Sumcaddiyo wanaageena iyo, suuban sharafteena Baladkeena soomaali iyo, sabada ciiddeena Xuquuqdeena soorkeeda iyo, wada sinnaanteena Socodkiyo hayaankeena iyo, samirka guusheena Saadaasha hiilkeena iyo, sahanka meesheena Sunnihiyo kitaabkeena iyo, sahayda diinteena Sarriigtiyo wax diidkeena iyo, xumo sifaynteena Sugitaanka qarankeena iyo, nolol samaynteena Sahashiga haddaan kaga tagnoo, saydhno wadarteenba Jirrideenu way suuli oo, siidhku uu bi’iye Sal halkaan ku leenahay, ayaan subax la sheegayne Ceebaynu saaxiib la noqon, saban kastoo noole Silic iyo shibaataynu mudan, saxal adduunyaade Sadki uu illaah noo bushido, saamigaa lumiye Ciil baa sadriga waayo iyo, saabka noo galiye Caydh iyo sabool baynu noqon, soogan meelaha e Soofdan habowgeena iyo, suudalkaa badane Waa seef halbowlaha ku maqan, talo ku seegtaaye Saakaba midday haysid baa laga sax keenaaye Haddii kale mar ay siibatiyo, saa danbaad garane Dadkaygoow wax suuree runtaan lagu safaadayne.

Dulucda

Gabay ku saabsan sooyaalka, dhaqanka, iyo hidaha Soomaaliyeed. Wuxuu ka hadlayaa quruxda dalka, nabadda, iyo waa weynaha Soomaaliya.

RX

Raxma Xuseen Huriye

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →