Caliyow dabuubtaada gabay Daayinkaa wadaye Dabaylaha xagaagee dhiciyo daafigaa sidaye Noo dooji dooggiyo sidii dararta xoolaade Diirkiyo laftuu xuley hadduu hadal wax daaweyne Dadkuna uma sinnee reer tolkey dacar ku nooleeye Anna waan ku diirsadey Ilaah derejo siiyoowe Daaraan garbaha qoon ku laad damaqday Dhuuxoowe Dibirrooti buu dhacay raggaad daabaqadiseene Waa gobol dillaacid iyo ciil dibinta ruugaaya Iyo gobol rundada oo fadhiya dagada weeyaane Dib u joogso! Waan kula dacwiyi doodna waan celine Dab baad ololisaa kumana gubo daayin abidkaaye Intaad dogob shiddaa baad taqaan diradirayn jaane Degelkaad fadhido saw gubee dogob ka qiiqaabay Hadday daacad xaajadu tahoon lagu dambaabeynin Danbaabudhada naareed haddaan dhinacu dooneynin Waar seeddow maxaad noogu digan dakharku waa kiinne Goormayse degmada noo miyeen? Dawgal baa jiraye Daldhahsiga dinaasaca la mood doog inaan ahaye Is-daleemintaydaa ninkii dagani eedaaye Dubbihii ku dhacay Ina Barwaaq dayi ad maysaane Daadduunka caydheed raggaa debedda meeraaya Docmo iyo Hartaa lagu ogaa dalawadoodiiye Cali-Geriga Daadhiin shalay naga durduurteene Waa kaa darfiyey caanihii Degiyo Heemaale Anna waxaan dibbirey waa dagaal deyro soo xulaye Nimay gacantu daabburo tiqiin beri hadduu daayo Uu yara daleensado intii duco san loo yeelo Danban maayo waagay xubnuhu yara dubaaxshaane Inaad deysid beel dagan adoon dani ku seeteynin Dabcigeedba yaa kugu yiqiin digasho mooyaane Hadday debecdo wow hiiliyaa doqon walaalkeede Diiftiyo ushay garan intaad dayada haysaane Dunna hadaanad ii tarin maxaad iigu dana sheegan? Duunyada fardaha maalintaad Dalab ku qaadeysey Sida duul Amxaara ah markaad nagu dabreyneysey Intaad haatan ii laba dubleyn muu damqado jiidhku Daarood Ismaaciil ahaan maad u soo dirirtid? Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiyey! Iyo kii duleeshay ku yidhi wax isma dhoorshaane Dakanadeyda yaa kaa xigood igu danayn haatan? Aar soo dib jirey neef hadduu daacuftii geliyo Uu kaga digsiiyuu ilkaha dhiigga kaga daadsho Dugaaggaa yaryari saw ka cuna duudka hadha maaha? Aday dilaye goormaa Isaaq Doollo iga qaaday? Maxaa libinta Daarood lahaa Daba-Cayuun siiyey? Haddayse Dubu-Xul uga heesayaan dacarna waan siine Ma wayse haatan daab iyo ul iyo kaga cabbaan dawlis? Usha daalis oo dibi dhaloon loo danbarineynin Oo kii lahaa diiday bay sidigtu doontaaye Kuwaan derisney dooxeer haddan sebenkan daaduunsho Waxa adiga duug kaaga noqon yeyga degi waayey Gabdhaha doonan dadabtaan dhisniyo xidid dariiqeynta Kuwaan dihanay diricay dhaleen waa dareemada’e Muslinka hayga didin yaan Ibleys dawyo kaa ridine Darka jabay dilaalkiyo dhulkuu dabadku meeraayo Deeqlaha Ilaahay dhulkuu xuliyey daadkiisa War ii daa dugaagiyo Hartey igaga deyraane Iiddoor Dir weeyee hadduu duullan soo bixiyo Dunji Habar Magaadluhu hadduu dabarka soo goosto Dunbiqiyo rasaastana hadduu Debecsanuu siiyo Horta yaa la da’ ah way la yaab dawyadaad xuliye Colaadda Iyo Nabadda Ogaadeen ka daan iyo ka daan Doollo soo gudubye Diinkaan akhriyey way ka iman Doy raggii jiraye Dunji maalintaa waxa qabtaan waan u daahirine Ma demeniye deynkeyga waan deba gelaayaaye. Idinkuba darkii Caynobaad deris ku taalliine Dagaallama rag doorkii la laa duubcaddii Hagare Amana daa waan wada qabnaa daawashiyo ceebe Caliyow da’daan ahay waqaa looma duur-xula’e Duq gaboobey iyo wiil-yar baa loo dedaa hadale Diirkaan ka garan xaajadaad dabaqa saartaane Ma dumaalo naagaha ninkay nolol ku deyrshaane Nin walaalkii doorsaday Ilaah derejo siin waaye Dalkaad ina adeerka dhigtaad weli degeysaaye Baadida nin baa kula deydaya daalla kaa badane Oon dooni heyn inaad heshana daayin abidkiise Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayn Dallana ma laha Aakhiro haddii loo Kitaab dayo’e Dillaaliyo malaal wuxuba waa Carabta diirkeed’e Dibnihiinna uun baan galoo way duddubiseene
Dulucda
Gabay dheer oo uu Qamaan Bulxan ku qeexayo khilaafaadka qabiilada iyo dagaallada. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'D' oo ah qaafiyadda guud ee gabayga.
Qamaan Bulxan
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →