Galad weeye hal abuurku aan ruuxna goynkarine gunno weeye dheeraadahoo guule bixiyaaye gargaar iyo tacliin laguma helo oo lagadiwaaye
Hadii aad gabyaa tahay hibada lagu gudoonsiiyay gasiin xeeladee kuma cawniyo eray guhaadeede waa risaalo gaariyo xisaab gudasho doonaysa
Hadaad gole kafuul tahay murtida aan ugodol qaadin asii gumuca kaadhacahayaa gubayo raaskaaga oo ad godob kusoofayso iyo Shar iyo guubaabo gal faylkaagu aakhoro fartuu kugu godaayaa
afartaas miday garanayaan gumuradeediidhe waajib gurada igasaaran iyo gacaladaydiidheh giraantiyo ujeedada dhabta a Gogol dhigeedii dheh
gobanimada an haysaniyo guusha calankeenu. giblo Laguma keenine naftaa loogabaanadaye. geesiyaal isbiimeeyaybaa ruuxda noogadaye gaws libaax ayay uguriteen gacanta maandeeqe
gumaysiga hadaan lagujirabin Gama a inuudiido gurmadkii dhaqaaqaba hadaan loogambiyin caynka golwareenku meel dayanin iyo guura bahalayntu godkiisana biyaha loogu galin ma ay garaabeen
wuxuu Kala gambaro oo iyaga gamas udhiibaaba wuxuu guuto kala cayna iyo gaasas bixiyaaba gogoldhaaf markay joogto iyo gorodda laalaadsha gibirkii rag diidiyo wadani gayfanbaa kacay
kibirkiyo garwaaxiidsigii faranji gaaleedka wiilal aan galiilyoon janana goobayaa helay inkastoy garnayliyo wateen biraha gaashaan go aan iyo caqiidaa kufriga loogu goodiyay
seefo aan gidaadaynin Abid oo gunnimo diid ah galaayuuska dhiilada watiyo gocasho doogeedka gaadmo iyo bareeraba hadaan guluf lajoogtaynin shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoeene
hadaan godanka soomaaliyeed haadku galawlaynin reer galbeed garaadale hadaan galawda lootaaban saraakiil lagawracay hadaan lagu dulgeeraarin shuhadadii gadaashood xorriyad lama gudoomeen
markii uu galshada dhiig noqdee gumucu eeraamay markii gacanta layskula tageey godatay maarreydi giiryaale iyo gaalaraac hayska gaabsado e hablo dahabki gadaybaa jiroo galay dagaalkiiye
sayidkii dartiis geeska bari gucumo aar yeeshay inkastuu galaafoo Wax badan gonofka raacsiiyay gandoobihii kow markii food lagalin waayay diyaaradi garaacduu ahaa gogolka taariiqda
geeri sharafle dhimay shekh bashiir gunudna taariiqe oomaarna kamagada yarayn goolna soodhaliye geestiisa shekh xasan barsame guday xilkiisiiye gurey waa ninkii xabashi baray gudurka ciiriine godka waasac allahawgadhigo Gabi ahaantoode
gadaalbaan majeertaaarkaan guulkufaan rabo e cankii markuu galay hawada laygawada giigay sodon sano markii uu gilgilay dunida guudkeeda sodon kale galgalkii kudhacay waa midaan gayine
halgamaaga geedkii kubaxay goboda dhiigiisa halkii aan miraha soogo iyo guranlahayn miidda kuwo gudin uhaystaa jiroon garasho dheerayne hadaan gabal xaglaha uga fadhiyin ma ay gabnowdeen
goorba waa raggeedaa layiri galinba wiilkiisa nimankii gabuunnada udhigay gaadadiyo foolka gabanadii ay ruuxda uhuree gabe middoodiie garhayeeno badanbaa kacoo lagu gabraartaaye
gayyi dahabka iyo dheankiyo gaasku wada jiifo umad lagu galaday oo hadana Gooman baanahye gacmo hoorsigiyo tuugsashadu galabsi weeyaane somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida
issugibila wayney waqtigu waa is gurayaaye God dhaw goorri iyo gawracbaa loogarnaqayaaye gumaysiga dahsoon maalintaad garlahayd weeye somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida
inta midiba gabi saaranyahay gaawaheed marane gobol gobol intay tahay Kuraran gorofti cayreede gilgishoo kakaca ceebta waa laga gidoodaaye
garabeeshin naadila midnimo iyo gar eexeede gunti hood kasii baadishoyo gaar Wax ugu Jayne musuqaasuq baa gabawariyo gurasho laaluushe garsoor togan hadaan lagu salsalin geesahay dhigane
somaalaay waxaa Kula gudboon geedigoo mida
Dulucda
Gabay dheer oo ku saabsan gobanimada, xornimada, iyo halgankii Soomaaliyeed. Wuxuu ka hadlayaa taariikhda, shuhadada, iyo geesiyaashii Soomaaliya u soo shahiiday.
Mursal Dahir Caynte
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →