Nafyahay ha fududaan Fadalkana ha dheerayn Hana furanin dabarkiyo Fakashada gar kaa xidha Falaadh qaanso iyo leeb Intay kala firdhanayaan Kama foga wadkaaguye Yuu ku qaadin fooruhu Faralbaa ku saarane U dhig fooda rabigaa Waa qaan fariintuye Fuli amaro waawayn
Hadaad fiiro dheertoo Fal hortii ogaal tahay Haku faanin garashiyo Aqoon iyo fariidnimo Yaan lagu faquuqine Wax lagaaga fiigoo Dhigaa kaa fogeeyiyo Fatooshtaadu yay badan
Hadaad fiicni leedahay Filkaa qaayo dheer tahay Ogobeey fagaaraha Haw fuulin waligaa Faahfaahintaadiyo Faalaynta aadmiga
Hadaad faayo mudatoo Fahmadaadu roon tahay Imisaa fogaadoo Fad shisheeya kaa jira Imisaa facaagaa Farsamiyo ku dheer xeel Foolaad maxaa jira Dadkoon filashadii hayn Fallagiyo daruurtiyo Fooraha yaqaanoo Filan-waa abaareed Halka cirir ku fooraro Aqoon kaga furdaamiya Imisaa farshaxanoo Fanaanimo ku caanoo Dadku faaqideenoo Falaad yaable dhigi jiray
Foojignaanta aarka le Halka uu fadhiistaa Fiidkana sakaaradu Jeenyaha ku fidisaa Atoor fule ahaan jiray Sida wiil ha foofoo Haw fiiqdo geeskee Fanto haw cumaamadan
Qabkoo faras ku saaraa Foolxumaanta keenee Isla-wayni haw fidhan Hays gayn fiktaa sare Noqo ruux faraawila Iyo firiga beenyada Falki guulahaagoo Fiddo baxa kolkay tahay Fano buuro dheedheer Marka uu falaagee Asaagaa fadhiid yahay Fooradaada dhaantee Haka foolin garashada Wax fanteeya hibashada Ceeb lama fan-saartee Ha daardaarin fiixaha
Aroor faano guratoo Ragu foof u soo baxay Hadii faras magaalaha Kor waxaad u fiiqdaa Fijaankaaga buuxiyo Faraj kuu qornaabaa Fah lagaaga siiyee Firfircooni Hays bidin Ha fatihin sidii wabi Hana shidanin fooxee Rabaa igu filnaafiyo Faataxada ogsoonaw
Faro laacay dufanbaa Duuga feedh qaloocdee Faranka iyo beesadu Waa fandhaalka buuxee Feedh yahan adoon noqon Faakihaysanaayoo La garaada fuudkiyo Faxa ubadka loo shubo Dadka hoos u fiiriyoo Faxalnimo ku dheeraw Hana noqon faduuliga Fuqa sare u taagee Xan ku feenta aadmiga
Wixii fudud dabayshiyo Fooruhu ha qaadee Falfaliidhka maalmuhu Faynuuskaaga yay damin Waa fulkaano waayuhu Intuu furay albaabada Hadba soo fatahayee Ku ful samir badnaaniyo Caku laab fayoobaan
Dulucda
Gabay uu Mubaarik Yuusuf Dheeg ugu talo galay talo iyo waano, isagoo ku tilmaamaya sida nafu u baahan tahay hanuun iyo dhawrnaan.
Mubaarik Yuusuf Dheeg
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →