Taladan Illaah kugu duweyn waa lagaa dadiye Waanu kaa daboolaan cagliga diiraddaa lumiye Dareenkaagu meel aanu rabin buu ka dubuq siine Didmo saaran baad yeelan iyo bayr ma daasho ahe Dadkana waxaad u neceb tahay qofkii kuu dansheega ahe Diinkii waxaan nahay hilbuhu dibad ka yaaleene Ee habar-dugaagu u tashaday inay daliigaane Haddana Daa’im amarkiisa weyn saanta loo diraye Siyaasadii duqowday een lahayn dux iyo iimaanka Ee tan iyo daakhili jirtay ee dubatay Soomaali Een dunida meel raacsanayn dacati mooyaane Sida idaha daydayo sharcigii dacalka loo saaray Dillaal iyo mallaaloobay ee wada dar-leefoobay Ee sun iyo boog daacay ee waliba ciin daaqay Dulleeddada ku meeraystay een dibadda gaadhaynin Daacadow haddaad aragto waa inaydun diiddaane Isku dire abwaankii ahaa dab iyo baasiinka Ee noo ducee laga la’a yahay dirira mooyaane Ee qoray diiwaankii ahaa duma collaad raagta Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane Tacliintii dibiro-weyn kuwii doontay jaamiciga Aqoontii kaddara iyo kuwii gabadha sii daystay Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane Mustarkii dilaaliga ahaa deyn bangiga qaate Dukaan iyo macdaar suuqa iyo done iyo keene Markabkii kolkuu soo dagaba aan dadku arkaynin Dekeddii wasiir iyo ku-xige uu daldalay raashin Bakhaarlihii dan gaarlaha ahaa duuge iyo aase Canshuurtii dulsaar badan ahayd daallun xeradiisa Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane Ila-tahayda kuwa soo diree aan dalkaba joogin Een dagalkan bara-kacay ogayn siduu u daadduumay Ee carabka dalabta leh wargeyska ugu deeqaaya Ee daar rag kale seexday een diilalyaba haynin Ee doolarkii ay cuneen laysu daba joogo Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane Waligii ma daahiro askari waa damiin falane Waanu kaba ducaystaa qofkii dinta caabuda e Dunidu maamul uma dhiibato iyo meel dad joogaba e Dibaddaa la geeyaa cidlaa lagu dugaalaye Derbi adag haddaan lagu xaniban daaha soo fuaraye Xakame yaa daqlaha loo dhigaa lagu daweeyaaye Wuxuu dalaayad ugu boodayaa waa dagaal gale e In la dilo inuu dilo ayaa loo diyaarsaday e Mana dallaco haddaan faraha dhiig uga dureerayne Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane Haddiisan aan dadweynahan arkay oon dul iyo hoos eegay Waa adhi dareera oo qoryo loo dhiiga daadsade e Darkaa lagu adkaystaa sidii dhoobo daayac ahe Orod soo dil baa lagu yidhaa kii dadka u xigaye Waa wada damane iyo ma oge aan cidi danaynayne Daacadoow haddad aragto waa inaydun diiddaane Ina Suldaan daliilkuu lahaa waxaa daliilkii ah Quluubtiisa waxa daaranayd daaya waa qolo e Aniga oo godkuu degi jiriyo deelka buuxinaya Bal haddana waxaan damacsanahay maan dadka u sheego Ogaadeenka Doollood hadduu Cadale soo daaqo Ama ay Abgaal soo degaan Daakhatiyo Faafan Oo ay Ma-uruursade damcaan Herar duleedkeeda Dadka Sheekh Isxaaq dhalay hadduu webiga daan qaado Dila iyo Nugaal Bari haddaan deris walaaleeyo Docmo iyo hadday Laas Qoran Zeylac wada daaqdo Diri Dhabo Godey iyo Jigjiga samo u daaweeyo Dulcad iyo Birbira Gado haddan dooni wada saaro Inta webi degtoo idil haddaan dan u heshiisiiyo Dagoodi iyo Raxan Weyn Cawlyahan Waamo deriseeyo Degaamada lixda ah Mudug, Hiiraan deris walaaleeyo Dekeddii makaad Jowhar iyo Xamarba daaweeyo Culimadu duceeyaan ibleys nama durreeyeene Dan kalaa qabiil loo durtay iyo boog dakane sheege Rar-xunna way ku daba feyshan tahay doorkan maanta ahe Dilaase inuu xukumo maya, maya ayuu yidhi dareenkiiye Isku daashay waayuhuna waw diga rogaayaane Kuwa duco qabow kici hanbadan duur ku yaaca ahe
Dulucda
Gabay uu Maxamuud Cabdulaahi Ciise 'Singub' ku dhaliilayo siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'D' oo ah qaafiyadda guud.
Maxamuud Cabdulaahi Ciise Singub
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →