Gabay · Dhexdhexaad

Soomaalidu Waa Isku Beel

Ismahan Araweelo

Tiriyey: Ismahan Araweelo ·

Soomaalidu waysku beel Afkay Isla wada barteen Bah iyo jees kaliya Geeskaa bari bay dagaan Bakhyliin laguma oga Boqoro waa laga helaa Haween biliclay dhalaan Kartidda boqol wiil ka roon Bartuu asalkoodu yahy Ayaa miyi loo baxshoo Waxay beeraan hidaha Bulshadu dhaqankeeda bay Dunida uga soo baxdaa Waxaan nahy beeralay Bunkiyo qaxwahaan cabnaa Hadaanu u baahanana Burcadka waan ku dhaashanaa Geesiyo birlabaa ku jirah Culimo diin baahisiyo Bad baaday leeyihiin Hadaan baal kale u dhigo Soomaalidu waysku bee Beer iyo waa beer is dhalay Bah iyo waa baho wadaag Haday boqol mar isdilaan Dad kala baxa maahan oo, Dhiigay kayihiin bah qudha Rabaa bal balaadhiyoo Dunida kaga dhigay badaa Basharka eebuhu khalqay Bidhaan ugu wacan yihiin Balaayo haday dhacdoo Abaaruhu soo baxaan Kuwaan kala baydhinee Waxaa weeyaan bir madda Siyaasiga boodhkalee Dantiisa usoo baxsaday Si,uu been ugu akhriyo Bulshada soomaaliyeed Intuu buur kala dhex dhiga Ayaa bilyan jeer ka,badan Hadana waysu baahan yiin Sir baan ku yar baaqayaayoo Nasiib baad beegsateene Bar baar yahy quruxda badan Bu,diyo maqalkiina fura Waxaa dalka beeran kara Dhulkooda bad baadin kara Baxnaano abuuri kara Buugiyo qalinkiyo cilmiga Badhaadhe ku gaadhi kara Bulshooy waa dhalin yaree Inagu May’s biirsanaa Anaad ii baahan tahy Adaan kuu baahanahy Wax baynu u baahanahy Dan-baynu u baahanahy Inagu waysu baahanahy Ka,baal baal iyo ka,baal Waxaan u banaan baxnaa Buluugloow calanka yagu Inuu mar bad baadiyee Quluubta basaasku dilay Boogtiyo nabarkuna kuyaal Bukaankana wali ku nool Adaa ka,bogsiin karee Raboow midnimada ku beer

Dulucda

Gabay uu Ismahan Araweelo ku qeexayo muhiimada midnimada Soomaaliyeed. Wuxuu ka hadlayaa dhaqanka, hidaha, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

IA

Ismahan Araweelo

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →