Haddaan weedh ka caddeeyo Waa inaad wadartiinba Idinkoon i wagliilin Waa runtaa i dhahdaan Waagaan wiil yar ahaa Rag anoon wax la qaybsan Wacdi sheekh iyo waano Waalidiinta gabowday baan Waddada diinta wanaagsan Wacdigay hadlayeenbaan Ku weeleeyey dhagtayda Anoo waansamayoo Wadaad fiicanna show ah Waysadiyo kitaabkiyo Masale aad u wanaagsaniyo Weelka daacadda qaataybaad Wiilwaal ii bixiseene Weerarkaad ku jirteenbaa Walbahaar ficilooyin Wadnahayga ku beermay Haddaanan wayrax jaraysan Warmihii cadcadaa iyo Gaashaan wiyileed Anigoo wajilaayoo War kacaay idinle oo Kolkuu waagu iftiimay Intaan weerar ku qaado Gurey waaxyaha goynin Cadowbaa wadankeena La wareegi lahaa.
Dulucda
Gabay uu Garaad Wiil-Waal ku qeexayo muhiimada wadanka iyo dagaalka loogu jiro difaaciisa. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'W' oo ah qaafiyadda guud.
Garaad Wiil-Waal
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →