Xarbi baari xayraan col iyo xeelad iyo tuugo Waa ugu xad dhaafaa ninkay Xiis u dagantaaye Xulufooyinkii horeba way kala xabbaadheene Xasan iyo Xuseen baa ogaa xeeru leeyahaye Xinkii Dheeho lagu gawracaan xiisaddii hadhine Xijigeedu waa qaatil iyo xayn walaalo ahe Xiitooy ma soo hoysan karo oday xagaystaaye Meeshii xeryaha looga dhigo xoogsi loo qabaye Wadaadkii Xadeed iyo fadhiyey Xalin Daraawiishta Ee xarunta geyn jirey intuu Xamar u heenseeyo Xaafidal Qur’aan buu ahaa soo xajiyey dhawre Isagaba xaq iyo baaddil wow kala xarriiqnaaye Xaaraan hadduu yahay fardaha kuma xarraanseene Xisaabaadka maantay tahiyo xaq iyo miisaanka Xasanaad in laysaga qoriyo inuu xumaan doono Xarafki Loox-Maxfuud lagu dhigiyo Xaakinkaa werine Ifka lama xujeyn karo ninkii Xiito weerara’e Xayaabada ka soofeenka iyo xuukadiyo goolka Tan iyo Xaawa iyo Aadan waa u xumadaysnayne Xoolaha xaddiidka ah naftaa Xiirayow jecele Haddii laygu xidho geelu sow xubin rageed maaha
Dulucda
Gabay uu Faarax Jaamac 'Faarax Laanjeer' ku qeexayo dagaalka iyo colaadda. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'X' oo ah qaafiyadda guud.
Faarax Jaamac Faarax Laanjeer
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →