Fulayahow nin Kaa Adag
Sayidkuba ka fiig cararid geelayaga, inuu faduulshaaye Fagaase iyo summaddaa nafluhu, kaga fogaadaaye Waa fiil nin lihi foofsadaan, feleg dhibaato ka yaabeyne Hadba meesha loo filo dal buu, farow ka laaqaaye farow cayil iyo baruurtiisu way kaa, fijicisaaye Faallaha iyo dhalankuu yahaa, gobi ku feydaaye Fiidkiyo aroortuu durduro, genef ka fiiqaaye Ma facaysto laangaabka iyo, tuugga fiirsado e Nimaan fuulin guutaduu harkii, faal ka bixi waaye Faataxa wadaad iyo burduhu, fanax ma beeraane Faras xoog weyn baa lagu dhaqay, iyo geesi fool adage Fulayada Daraawiish iyo, Maxamad faankiisa Hadduu faral jihaad iyo Islaan, faro ku doonaayo Ararsamaha faaray ee arlada culus, ku soo foofsahay Muu foos Dad badan oo hubaysan la xulay iyo dagaal, foore kaga yeelo Muu goolashaa fuuqa baxay, fuquraduu loogo Fuquyada ku lumay xarunta muu fiisha ka hibaadsho Oo foori laasimo sidii, ferenji reer loora!
Dulucda
A heartfelt poem about unrequited love and longing