Gabay · Dhexdhexaad

Allahayoow

Cali Jaamac Haabiil

Tiriyey: Cali Jaamac Haabiil ·

Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

Dulucda

Gabay diimeed oo uu Cali Jaamac Haabiil ku ammaanayo Ilaahay. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'A' oo ah qaafiyadda guud, isagoo ku bilaabaya sadar kasta ereyga 'Allahayoow'.

CJ

Cali Jaamac Haabiil

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →