Gabay · Dhexdhexaad

Dadkaan Dhawaaqayaa

Cabdulaahi Maxamed Maxamuud Xirsi Qarshe

Tiriyey: Cabdulaahi Maxamed Maxamuud Xirsi Qarshe ·

Dadkaan dhawaaqayaa dhulkooda doonayaa hadday u dhiidhiyeen Allaahayow u dhiib Waxaan la dhuubnaheen kiskayga dhaaawacaan idiin dhamaynayaa dhegaa ma leedihiin? Misee dar dhoohanoon dhagaysan waanadoo warkaygu dhaafayoo dhufaanan baad tihiin? Dhurwaaga meerayaa habeenka uu dhacuu dhacaama jiirayaa dhereg ayuu sitaa Dhurdaha duulayaa dhirtuu dalooshadaa malabka uu dhigtuu jilaalka dheer cunaa

Dulucda

Gabay uu Cabdulaahi Maxamed Maxamuud Xirsi 'Qarshe' ku qeexayo dhawaqa iyo dhawaaqa dadka. Wuxuu isticmaalayaa xarafka 'Dh' oo ah qaafiyadda guud.

CM

Cabdulaahi Maxamed Maxamuud Xirsi Qarshe

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →