Waayadan ba waataanan gelin gabay arartiiye Goortaan se maagaan ciyoon gole ka fuulaaye Anoon godallo eeg’eegayn baan idin garwaaqsiine!
Gabaygiyo murtidu waa waxaan duunyo goyn karine Waa hibo in gaari heshoo Guulle bixiyaaye Waxaan ahay abwaan gaasabbaxay oo garoomo ahe Geyiga ba nin laga naadiyoo gaadhay baan ahaye Waxaan ahay nimaad garanaysaan gebi ahaantiinu!
Affarley laysu geegeeyay bay golaha keenaane Geddadayda waxa jiifa waan laga gayoonayne!
Maahmaahda guunka ah sidii la iska soo gaadhay Gaalleef nin haystoo margaday kaasi waa gocore Nin gadh leh na hadduu bi’iyo wuu garasho liitaaye Waxaan uga gol lee yahay ninkii doora baa garane!
Gobaysane halkii aad gaadaweyn geeridii Maxamed Gu’gii caano weyn iyo raggii GUBA ka maansooday Gama’diid markii uu dhintay iyo geesigii Muxummed Taariikhdaa nin garanayoo guurtiyaan ahaye!
Gadhcaddaagu siduu ii warramay aman ka soo gaadhay Majeerteenku waa niman gob iyo duul garaad badane Waa boqortooyo gun iyo saldanad aad u gado weyne Waa niman Ilaahay galladay geeskastay tahaye!
Inta geelu dheer yahay lo’diyo gaabanow adhiga Intaasay khaldiga guud mareen lays ma gaasiro e’!
Abwaannada wax baa laga guntaa yaad galoof noqone Soomaalida ninkii guur damcow yaanad gees marine Meel uu gugu ku dhacay baan og ahay geedo qariyeene Haddii aad dhabeel gaariyiyo golole doonayso Waa inuu hiyiga kaa galaa guri Majeerteene Am ba gooshkan waxaan maagan ahay inaan ka gaataaye!
Waa niman martida gooman iyo gacalka ba u roone Gool bay u loogaan nimaan gaajo weyn qabine Gasiinka iyo xeedhyaha gingiman daribta geedaysan Galxood iyo karuur iyo lis iyo gocay dhanaankeeda Waa nimanaan sooryada gobeed cidi ku gaadhayne!
Waa nimanaan gaajada ba maqal geelu na u dhalaye Garta iyo markay xaajadiyo geed ka hadal joogto Gar-talawga maantuu magaan gebidhacalaynaayo Ee arrintu na gungumo yeelatee la isku gacan qaado God dhaw iyo anaa goynaya iyo guux markay dhaliso Dar baa xubinka gawgawdha oon goosan weligoode Godka hadalka waa niman heloo cidi ku gaadhayne!
Gaal iyo islaam uumiyahan dunida guud jooga Qolo wali ba dhaqan gooniyay gaar u lee dahaye Soomaalidu dagaal laysku go’o kama gaboobaane Guluf iyo col maantay tagto gaydha ololayso Gildhigaankiyo maantuu qarxee galowgu dhiilaabo Gigta ugu horraysuu fuluhu galaw ka siiyaaye Giiryaalahaa laga helaa sidigta gooraane Majeerteenka waa lagu gubtaa geyllan dirireede!
Guutuu ninkoodu u dhigmaa goobta lays helee Goray laga ma meersado intuu gabanka noolyeey e’
Waxaan hadal ku soo goynayaa ama ku soo gaabshay Anigoon gadaaf iyo afxumo qolo na gaadhsiinin Soomaalida markaan kala guree gees wal ba u eegay Gobannimada hoygeedu waa guri Majeerteene!
Dulucda
Gabay dheer oo uu Cabdiwaaxid Cali Gama'diid ku ammaanayo deeqsinimada, sharafta iyo geesinimada beesha Majeerteen, ka dib markii lagu sii daayay xabsiga Puntland.
Cabdiwaaxid Cali Gama'diid
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →