Bi,I waa qoraaloow Magacaygu waa qaaf Qawlkaygu waa weedh Qiimahaygu waa basher Qiasadaydu waa tii Qumanaan ka leexnayd, Qofnimada waxaan ahay Qaaradani Afriik baan Qar qarkeeda bariga ah Hadba waxa l a ii qoray Quud aan ku helayaa Qabyaaladu siday tahay Marmarbaan yar quutaa Nabadbaase ii quban.
Waxan ahay qof kugu biday Wanaag qaybihiisoo Jecel qaylo dhaantaa Waxan ahay qaloociyo Qarfo iyo dhibaatiyo Qabyo nolol ahaatiyo Jabka qaybiihiisiyo Maskax layska quudhsado Nin qaraar ka joogoo Quus ka tagaanbaan ahay,
Qaybsigeed aduunyada Adigaa u qiil furay Immisaa ninquusoo Kibir iyo qab weynaa Maalintuu qoraal helay Uqushuucay noloshoo Qunyar socod ku dhiiraday,
Immisaa dal qiiqoo Baaruudu qaraxdoo Qayladu dayaantoo Qolo qolo ishaystio Laysku qaatey waramada Qoraal lagu fadhiisiyay,
Bi,I waaye qaliyahow Qofnimadu la,aantaa Qasad iyo ujeediyo Qiimo may lahaateen Noloshana qiyaasli,i Qaran lama ahaadeen Maalmaha qoraalkiyo Taariikhda kala quban Looma qeyb samaysteen Faa,iidiyo qasaaraha Qanac laguma yeesheen Qudha ruuxa kii jaray Looguma Qisaaseen Dadku qaafilnimadana Qiil umuu sameeyeen Qaadir uunka uu dhigay Qoomba qoom xag kale jira Quudhsi kuma tilmaameen Qubanaha culuumtana Jaahil kuma qaloodeen Qiimaha tacliintuna Qani may ahaateen Anna kumaba qaateen,
Balse qiiradaydani Ku qofeeyey maantoo Noloshana qorshaystee Mar hadaanad qolo galin Qabiil iyo dad gaarana Qiimahooda muunayn Taydana bal qayd oo Qaraar gaadhay maantee Adna hay qasaarine Qayrkay igaadhsii.
Dulucda
Gabay ku saabsan qoraalka, aqoonta, iyo tacliinta. Wuxuu ka hadlayaa muhiimada wax qorista iyo saamaynta ay ku leedahay nolosha.
Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Muxumed
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →