Gabay · Sare

Soomaali Baan Ahay

Cabdiqaadir Xirsi Siyaad 'Yamyam'

Tiriyey: Cabdiqaadir Xirsi Siyaad 'Yamyam' ·

Dadka waw gu’weynahay Guun soo jiraan ahay Nuux iyo gadaashii Duufaan ka guurkii Baddii jiidhay gabiyada Dhulkii giigsanaan jiray Meeshuu ku kala go’ay Gardafey ha noqotee Weli goobti baan naal Caddaankiyo guduudkaba Waan kala gurracannahay Muuqaalka guud iyo Dhaqamada is geli kara Canfartaan gudboonahay Isku gibilna waan nahay Oramadiyo gaallaha Ayaan gacalwadaagnaa

Mahad aan go’ay iyo Gallad eebahaa lehe Giddigood Rasuuladi Uu geyiga usoo diray Ninba diin u gooniya Hala gola yimaadee Isu soo gurkoodii Tii geba-gebaysiyo Gudhiggii kitaabada Markii la isu geeyiyo Guddoonshihii Ambiyadiyo Waxaan haysanaa gacan Geesigay ku taalla Guusha magacyadeedyo Yahay furaha lagu galo

Albaabada Janada guud Oo aan nin garab maray Gadan Karin muftaax kale Muslim baanu nahay garo U gudbiya walaalaha Gudashada wanaaggoo Guud ahaanna uga diga Fal xumaato geli kara Geerida iyo dhimashada Yaasiinkaan qofkii go’ay Ku gunaanadnaayoo Ikhlaas lagu guneeyaa Godka lagula hooyaa

Marka qaranba goonidi Afrikada lakala guro Bulshada geeska bari xiga Ku gadaaman baa nahay

Qaran iyo gob baanahay Lixdankii gumeysiga Gacantiisa kala baxay Calan midab u gaariyo Sumadda lagu gartaa tahay Xiddigtaa shan geeska ah Geysh noo ilaashiyo Geesi uu gu dhaartoo Gabbashada ka caagiyo Gabyaa baanu leenahay Markay goob dagaal tahay Guubaabada ku caanoo Geeraarkiisa fulayada Dhex galaan cadaawaha Gaadiid baanu leenahay Gurgurshaanu raranaa Hadba waanu guurnaa Deyrtiyo gugii baan Hadba meeshi geeda leh Cosobkooda guranaa Gadaal looma sahanshee Galbeed baan u soconaa Goobaha barwaaqaa Lo’da geeska weyn iyo Ari nooga goohaa Dhitadiyo garoorkaan Gocayada ku shubanaa Ningixaa la giijaa Gaaridu ku heestaa Burcadkaa ka soo go’ay Digsaa lagu guraayoo Galabtii la shiilaa Caanooyada ma gaarnee Sixinkaanu gadanaa Ama keyd la geliyaa Goosaar ka dhigannaa Geelbaanu dhaqannaa Gaawaan u culannaa Gaaxdaan ka maalnaa Marna dhinaca guurkaan Gabadhii jacayl mudan Yarad loogu geeyaa Gaafkiyo arooskana Ciyaarbaan gingimannaa Gabladaannu tumannaa Dudadoodhan geesbaa Aqal loogu gooyaa

Guri baannu leenahay U eg maabka guudoo Aan dunida laga garan Marka rarada laga guro Xarragada gammaankiyo Geenyaanu fuulnaa Warmahaan gingimannaa Garawshaha xishoodkaan Baal dahaba gelinnaa Martida gaajo haysoo Gasiin kale an loo hayn Ayaa waajib gudashada Hasha geela ka irmaan Loo gowracaayoo Gole loo dugsiiyaa Hilbaha loogu geeyaa Odayada gaboobiyo Intii garasho dheer iyo Guud ahaanba culimada Gaarbaa loo xurmeeyaa

Go’ cad baannu xirannaa Gammuun baannu qorannaa Gabooyaha la geliyaa Golxab baannu tummannaa Gaashaan baan yagleellaa Kabo feygamuuraan Gocandhada ka sidannaa Geed baa la waabaa Gogol baa la fidiyaa Guurti lagu casuumaa Gar kastoo adayg badan Way tala gorfeeyaan Go’aankoodu waa xeer Dhibta soo gunaanada Marka dhiig la kala galo Daqar iyo qur gooyana Culimada garsoorkiyo Diintay u gudubtaa Xaqaa lagu guddoonshaa

Mirahaannu gurannaa Gocasaannu qodannaa Hangoolka iyo gudintaan Geedaha ku jarannaa Sisintiyo geleydiyo Geedkastoo khudaaraan Midba gees ku beeraa Xiliyada la goostaa Ceel kastoo gundheerbaa Biyihiisa gaarnaa Abaarta uga gudubnaa

Dembi geleddii Qaabiil Bankii geeriyaadoo Haabiil markuu go’ay Dhirta qodaxda guratiyo Taariikh ma garatooy Godkii ugu horreeyee Ina aadan galaybaan Geesihiisa weli naal

Tilmaanyeydu waa gaar Gobolkeygu waa caan Nin ahraamta galeybaa Garta raadka dadkeygee Faraaciinadii gudubtiyo Masar jiilashii galay Inaan goobta oga haray Goggaa yaqaaanoow Gabar timaha dabatiyo Gudniinkii la toli jiray Waa dhaxal aan guurine Weli geeska yaaloo Bulshadaan u gaaree Diiwaanka noo geli

Dulucda

Gabay uu Yamyam ku qoray hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, asalkooda iyo qowmiyadeed, isagoo tilmaamaya in Soomaalidu tahay bulsho fac weyn oo kala duwan

CX

Cabdiqaadir Xirsi Siyaad 'Yamyam'

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Cabdiqaadir Xirsi Siyaad 'Yamyam'